X
    Categories: Warar

Dood Kulul Oo Ay Isku Waajaheen Afarta Nin Ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka U Tartamaya

Araweelo News Network

Washington(ANN)Dood aad u xooggan oo si toos ah telefishinka CNN looga tebinayay ayaa dhex martay Afarta nin ee ku loolamaya jagada musharaxtinimada xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

Donald Trump oo ah nin ugu cad-cad musharaxnimada jamhuuriga ayaa intii ay dooddaasi socotay waxa uu weerar afka ah kala kulmay labada musharax ee uu tartanka xooggani ka dhexeeyo, kuwaas oo kala ah Ted Cruz iyo Marco Rubio.

Ted Cruz ayaa shaki geliyay in codbixiyayaasha mareykanka ay aamini karaan waxa uu u sheegayo ninkani maal qabeenka ahi.

Donald Trump ayaa dhankiisa Marco Rubio ku eedeeyay in uu hoos u dhigay sumcadda dadkii soo doortay maadaama aanu inta badan ka hadlin oo qudbadihiisa kusoo qaadan aqalka senetka.

Ted Cruz ayaa su’aal geliyay taageerada ay Donald Trump u ahayaan madaxweyneyaashii hore ee ka tirsanaa xisbiga jamhuuriga,, balse arrintaasi waxa si kulul u beeniyay Mr. Trump, wuxuuna ku tilmaamay dacaayadi riqiis ah.

Musharaxa afaraad oo ah barasaabka gobolka Ohio John Kasich ayaa isaga doodda diiradda ku saaray arrimaha miisaaniyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalkaasi Mareykanka.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post