Warbixin. Arraale M. Jama
Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)- Warbaahinta dalka mareykanka ayaa si cadho leh uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub Donald trump. Kaddib markii uu warbaahinta ku eedeeyay in aanay daacad ahayn wararkii ay fidiyeen munaasibadii xilka loogu dhaariyay.
Warbaahinta Dalka Maraykanka, ayaa baahisay in munaasibadaa Madaxweynaha cusub ee Donald Trump ay ka qaybgaleen dad aad u yar marka loo eego munaasibadihii Madaxweynayaashii ka horeeyay, iyagoo tusaale usoo qaatay teeramkii u horeeyay Madaxweyne Obama ay ka qaybgaleen dad gaadhaya 1.1 Milyan, halka teeramkiisii labaad dad ku dhow Hal Milyan ka qaybgaleen, balse Trump munaasabaddii lagu dhaariyay dadka ka qaygalay lagu qiyaasay tiro ka yar 600, 000 qof.
Hase yeeshee Madaxweynaha cusub ee Donald Trump ayaa si cadho leh uga jawaabay arrintaa, wuxuuna ku dooday in 1.5 milyan qof ay ka qeybgaleen munaasabadda, “Waxay u muuqatay in qiyaastii 1.5 milyan oo qof ay joogeen goobta”, Ayuu yidhi, Donald Trump. markii uu hadalka ka jeedinaayay Capitol Hill, Jimcihii.
Balse Madaxweyne Trump muu sheegin wax cadeyn ah oo muujinaya in tirada intaa leeg ka qaybgashay munaasibaddii lagu dhaariyay oo ahayd mid ay rabshado hadheeyeen goobta ay ka socotay hareereheeda.
Madaxweynaha cusub Mr. Trump, wuxuu ku celiyay aragtida uu ka qabo Weriyayaasha oo uu ku tilmaamay inay yihiin “kuwa ugu daacadnimada xun Aadanaha caalamka ku nool”.
Shirkadaha warbaahinta dalka Maraykanka, ayaa eedaha Mr.Trump ku tilmaamay arrin laga cadhoodo oo aan wanaagsaneyn, wuxuuna Wargeyska The New York Times oo ka mid ah kuwa ugu caansan warbaahinta Maraykanka sheegay in hadalka Trump uu yahay sheegasho been ah oo aan waxba ka jirin.
Sidoo kale Wargeyska The Washington Post oo ka kid ah kuwa ugu caansan warbaahinta Maraykanka, ayaa eedaha Madaxweynaha Cusub Donald Trump, ku tilmaamay kuwo kasoo baxay qof aan si qoto dheer u fikirin oo iska sheega, ama ku dhawaaqa waxyaabo laga xanaaqo oo bulshada cadho geliya.
Dhinaca kale Afhayeenkiisa Aqalka Cad ayaa sheegay in “Taageerayaashii abid ugu badnaa ee munaasabad dhaarin ka qeybgala ay ahaayeen kuwii ka qaygalay munaasibadii Trump”.
Madaxweyne Donald Trump iyo Afhayeenkiisa Aqalka Cad ma keenin cadeymo muujineya in taageerayaal badan ay joogeen goobta Capitol Hill ee lagu dhaarinayay Madaxweynaha Cusub.
“Waxaa jiro hadallo badan oo ka dhex socda warbaahinta oo ah in Trump cadaaladda la horkeeno, waxaana halkan u joogaa in arrinta labada dhinacba ay noqon karto. Waxaa dooneynaa in saxaafadda aan cadaaladda horkeenno oo la xisaabtanno”, ayuu yidhi Mr Spicer oo ah Afhayeenkiisa Aqalka Cad, isagoo diiday inuu dhageysto su’aalaha weriyayaashii goobta uu ka hadlay ku sugnaa weydiiyeen.
Munaasibada lagu dhaariyay Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka, waxa la kowsaday mudaharaadyo waaweyn oo ka dhacaya gudaha Maraykanka iyo Daafaaha caaalamka, kuwaas oo inta badan ay hoggaaminayaan Haween qaaradaha aduunka ka abuulayay mudaharaadyada lagaga soo horjeedo horjeedo maamulka Donald Trump.
Dibad baxa ugu weyn ee ka socda gudaha Mareykanka, oo bilaabmay habeenkii Jimcihii ee ay socotay Munaasibada lagu dhaarinayay, ayaa weli ka socdaa magaalada Washington iyo magaalooyin kale, halkaas oo qiyaastii 500,000 oo qof ay isugu soo bexeen.
Sidoo kale, New York waxaa mudaharaadyo ay isugu soo baxay dad gaadhaya illaa 400,000 oo qof, halka Chicago iyo Los Angelis ay isu soo baxyo ka socdaan, kuwaas oo la doonayo in lagu muujiyo in xuquuqda dumarka iyo bulshooyinka kala isirka ah la dhowro.
Qaar ka mid ah dadka abaabulay isu soo baxyada waxay sheegayaan in xuquuqda dumarka ay halis ku jirto inta maamulka Trump uu jiro. Sidoo kale Ururada iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha iyo mujtamaca Muslinka iyo kuwa madawga ah, ayaa qayb ka ah mudaharaadyada, iyadoo Madaxweyne Donald Trump aanu weli ka hadlin arrinta dibad baxayaasha xilligii uu booqanayay xarunta CIA-da ee Virginia.
Balse, wuxuu ka hadlay oo si badheedh ah u weeraray Warbaahinta, isagoo sheegay in saxaafaddu ay abuureyso khilaaf dhex mara maamulkiisa iyo laamaha sirdoonka dalka.
Mid ka mid ah mudaaharaadayaasha oo la hadlay TV-yada mareykanka ayaa yidhi: “Waxaan halkan u joognaa in aan dhigno dibadbax aan ku muujineyno naceybka kala qeybinta ah ee Trump uu sheegay in ay ka mid tahay waxyaabaha ugu horeeya ee uu xafiiskiisa ku dhaqaaqi doono.
Dibad baxayaashu waxay sidoo kale wateen Boodhadh ay ku qoran yihiin hadallo akhlaaq xumo ah oo uu hore u jeediyey Trump, kuwaas oo uu ku weerarayey dumarka, waxayna sheegayeen in ninka dhaqankaas oo kale leh aanu qaadi Karin mas’uuliyadooda oo aanu ahayn Madaxweynahooda.
Mudaharaadyada lagu diidan yahay Trump, ayaa kusii fidaya gudaha dalka Maraykanka iyo dacalada dunida, kuwaas oo ka socda dhowr dal oo ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Ameerica, Africa iyo Asia Wadamadaas waxaa ka mid ah Ingiriiska, Australia, Jarmalka, Japan, Faransiiska, Sweden, Kenya iyo meelo kale.
Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka Donald Trump, waxaa garab socday tan iyo kal hore markii uu xisbigiisa ka dhex bilaabay tartanka weeraro kaga imanayay warbaahinta iyo dunida kale, waxaana dagaalka qayb ka ahaa qaybo badan oo ka mid ah Xisbigiisa Jamhuuriga, Balse wuxuu guulaystay, iyadoo ay weli ku socdaan kacdoonada lagu diidanyahay, dagaalka warbaahinta Maraykanka iyo canbaaraynta kaga imanaysay dunida.