X
    Categories: Warar

Donald Trump: Madaxweynaha Maraykanka Oo Qiray In Ruushka Lug Ku Lahaa Doorashadii Uu Guusha Ku Helay

Araweelo News Network

Reince Priebus


Washington(ANN)-Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay warbixin ay soo saartay hayadaha sirdoonka Maraykanka ee CIA oo sheegaysa in Ruushka uu u dhacay doorashadii guushu ku raacday ee madaxweynenimada dalka Maraykanka.

Sidaana waxa sheegay Reince Priebus, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Trump.

“Waxaan u malaynayaa inuu aqbalay, waxa lagu helay warbixinta ” ayuu madaxa shaqaala madaxtooyada ee xilka la wareegaysa, Reince Priebus, u sheegay Fox News.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha inay ka danbaysay in la jabsado emailada xisbiga Dimoqoraadiga si wax loogu dhimo Hillary Clinton oo la tartamaysay Trump.

Afhayeenka Aqalka Ruushka ee Kremlin Dmitry Peskov, ayaa sheegay maanta in eedeymaha noocaas ah ee la doonayo in dad lagu raadsado aanay lahayn wax cadayn ah.

Madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa loo soo bandhigay waxyaabaha lagu helay warbixinta madaxda sirdoonka Jimcihii.

“Ma diidana in dad Ruush ah ay ka danbeeyeen ololahan gaarka ah,” ayuu sheegay Mr Priebus Axadii.

Laakiin muu cadayn in Mr rump uu aamisan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si toos ah u amray jabsiga kombutarada iyo in kale sida lagu sheegay warbixinta aan la cadayn. the report (an unclassified version).

Kadib markii uu la kulmay Agaasimaha sirdoonka Maraykanka, CIA, John Brennan iyo Agaasimaha FBI James Comey, Mr Trump ayaa kulanka ku tilmaamay mid si fiican u dhacay.

Hadal uu soo saaray Trump ayuu ku sheegay in 90 maalmood gudaheed markuu xafiiska la wareego uu waydiisan doono qorshe ah sida lagu joojin karo weerarka kombutarada ee dhanka Ruushka kaga yimi dalkiisa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post