X
    Categories: Warar

Djibouti: Tirada Dadka Qaba Caabuqa Coronavirus Oo Kordhay

Djibouti COVID-19.

Djibouti(ANN)- Xaaladda Caabuqa Coronavirus (COVID-19), ee dalka Djibouti, ayaa faraha ka baxday, kadib markii ay si weyn u korodhay tirada dadka qaba caabuqa xannuunka sida weyn ugu faafay dunida.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Djibouti oo magaciisu yahay Saalax Banoyta Turaab, ayaa xaqiijiyay in ay si weyn u korodhay tirada dadka lagu arkay kiisaska cusub ee caabuqa COVID-19, wuxuuna sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacadda BBC, isagoo ku sheegay tirada dadkaa 732, isagoo xusay inay jiraan ugu yaraan laba kiis oo dhimasho ah, halka 76 qof, kasoo kabteen xannuunka.

Saraakiisha Caafimaadka ee Dalka Djibouti, ayaa ku sababeeyay korodhka tirada dadka caabuqa Coronavirus, in loo aannaynayo qaadka dhanka Ethiopia, kasoo gala dalka, kaas marka uu soo galo dalka ay dadku kusoo ururaan.

Xukuumadda dlka Djibouti oo dadkeedu aad u yaryahay, ayaa tirada korodhka caaabuqa ee xilligan u muuqdaa mid ku baddan, marka loo eego bulshada ku nool dalkaa oo lagu qiyaaso guud ahaan qiyaastii, 942,000, waxayna xaaladda xilligan ee xannuunka dadku waajahayaan dhibaatooyin culus oo xagga nolosha ah iyo adeegyada caafimaadka oo awlaba liitay, isla markaana xukuumadda ayaa horre bandow ugu soo rogtay dalka, markii la arkay kiisaskii u horreeyay ee caabuqa COVID-19, waxayna mar kale kordhisay xukuumadda dalka Djibouti xilliga bandowda, kaas oo laga dhigay ilaa 28 April, 2020.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo hormood u yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa,  kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqa COVID-19, oo kasoo faafay halkaa ku faafay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 2,280,787, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay,  156,345, halka 583,431, oo qof kasoo kabteen, walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post