X
    Categories: Warar

Djibouti: Safarka Madaxweynaha Somaliland Iyo Arrimaha Lala Xidhiidhiyay

Madaxweyne Geelle Oo Qaabilay Madaxweyne Biixi Iyo Wefdigiisa

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta safar ugu baxay dalka Djibouti, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay halkaa.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, waxaa madaarka kusoo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Djibouti Abdiqaadir Kaamil Maxamed  iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Dalka Djibouti ka tirsan.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa, waxa qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo masuuliyiin ka mid ah xukuumadiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxay ujeedada safarkiisa Madaxtooyaddu ku sheegtay mid shaqo, walaw aan la cadayn waxyaabaha uu daaranyahay safarka Madaxweyne Biixi iyo mudada uu qaadanayo

Qoraal kooban oo kasoo baxay saaka markii uu Madaxweyne Biixi ka dhoofay Madaarka Hargeysa, waxaa lagu yidhi, “Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djibouti.”

Safarkan oo ah kii labaad ee Madaxweyne Muuse Bixii ku tago dalka Djibouti tan iyo markii uu la wareegay xukunka Nov 21, 2017.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  Cabdi, waxa Safarka ku weheliya wasiiradda wasaaraddaha, arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horrumarinta kalluumaysiga.

Booqashada Madaxweyne Biixi ee xilligan dalka Djibouti, ayaa kusoo beegantay maamlo ka dib markii uu Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan la yeeshay Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo sida ay wararka kulanka labada Madaxweyne sheegeen ay kaga wada hadleen muranka ka taaggan arrinta Ururka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo Somaliland ku gacansaydhay maadaama aan waxba laga weydiin.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland marar baddan ayay sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanayn cid kale, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay tixgelinaysaa isbahaysigii ay dhowaan aasaaseen lix dal oo ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ah aag Istaraatiiji ah iyo marin biyood caalamiya, iskaashiga waddamadaasi maaha mid dhammaystiran maadaama oo aanay Somaliland ku jirin.” Sidaana waxa lagu yidhi, War-qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland dhammaadkii December 2018.

“Somaliland waxay ku guulaystay in ay dhulkeeda iyo xeebaheeda ka ilaaliso Argagixisada iyo budhcad baddeeda, umana dabo-fadhiisanayso dal kale ilaalinta ammaanka xeebaheeda oo dhererkoodu yihiin 850km, Soomaaliya meela kama soo gasho Badda Cas iyo gacanka Cadmeed, Djibouti waa Dal yar oo inta uu kasoo galo waad ogtihiin, bal khariirada eega, sidaa awgeed waxaanu leenahay soconmayso arrintaasi.” Sidaa waxa yidhi, Madaxweyne Biixi oo mar uu dhowaan la lahadlayay Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Sucuudiga, wuxuuna Madaxweynuhu carab-baabay inay arrintaa mawqifka ay ka taagan yihiin iyo sida ay u doorteen inay raacaan xulufada Sucuudiga kala hadleen Masuulkii ay la kulmeen ee dawladda Sucuudiga.

Isbahaysiga ay samaysteen dalalka ku yaalla Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas oo Dowladda Sucuudiga hormood u tahay, waxa loogu talogalay in kor loogu qaado Arrimaha Ammaanka iyo horumarka dalalka ku  xulafoobey Ururkaa oo ay xubno ka yihiin dalalka Sucuudiga, Masar, Urdun, Yeman, Suudaan, Djibouti iyo Soomaaliya, waxaana dhismaha Ururkaasi si cad u dafiray qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo khariirareeda, iyadoo Somaliland ta ugu muhiimsan marka laga hadlayo Istiraatiiji ahaan bogcada ay ku taal.

Dhinaca kale warar shebekadda wararka ee Araweelo News Network ka heshay ilawareedyo kala duwan, ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle qorshaynayo inuu wada hadalada hore ugu dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya dhex-dhexaadiyo, isla markaana lagu qabto dalkiisa.

Sidoo kale ilawareedyada ayaa qaarkood sheegayaan in arrimaha lagaga hadlayo kulamada ay ku jiraan heshiis uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo horre u buriyay oo ay saxeexeen wasiiro xukuumaddisa ka tirsan, isla maraakana saamayn ku yeelan kara qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xuduudeheeda, kaas oo Madaxweyne Geelle doonayo in la soo celiyo.

Balse kulamada wefdiga Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Djibaouti oo si weyn indhaha loogu hayo, waxa la eegayaa natiijada rasmiga ah ee kasoo baxda saacadaha soo socda iyo xaqiiqda ay daaran yihiin xilligan oo lagu muransanyahay arrimahaa, isla markaana ay mandaqada gacanka Cadmeed iyo Badda Cas si weyn saamayn ugu yeesheen dagaalada ka socda Yemen oo kulaalay marinka muhiimka ah ee Istiraatiiga ah ee gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyadoo dagaalada ka socda halkaa oo ay ku loolamayaan dalal baddan ay bilihii u danbeeyay sababeen kala qaybsanaan ku timi xulufada Sucuudigu hoggaamiyo, kadib markii ay Dawladda Imaaraadku oo u muuqatay inay garwaaqsatay in aan guul laga gaadhayn dagaalka si badheedh ah ula safatay Gollaha Koonfurta Yemen ee Cadan oo ku dhawaaqay inay lasoo noqdeen dawlad nimadoodii, isla markaana ka baxeen midawgii ay hore ula galeen Jamhuuriyadii Yemen ee Woqooyiga sagaashanaadkii.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post