X

Djibouti: Ra’iisal Wasaare Hore Dilayta Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Dileyta Maxamed Dileyta, oo loo doortay Guddoomiyaha baarlamankii sagaalaad ee Djibouti, 5 March 2023, Image Araweelo News Network

#Araweelo_News_Network.

Djibouti(ANN)-Siyaasiga caanka ah ee u dhashay dalka Djibouti,  Dileyta Maxamed Dileyta, ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee dalka.

Doorashooyinka inta baddan ka dhaca Djibouti ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda, ayaa lagu tilmaamaa kuwo aan si dhab ah ugu turjimin dimuqraadiyadda dhabta ah, iyadoo Madaxweyne Geelle iyo xisbigiisa mucaaradku ku eeddeeyaan inuu siduu doono u maamusho, sidaa awgeed ay yihiin kuwo magac u yaal ah.

Doorashooyinka maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay dalka ee Baarlamaanka oo noqonaya doorashadii sagaalaad ee la qabto, waxa kuraasta ugu baddan qaatay xisbiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Todobaadkii hore markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Baarlamanka 9-aad, waxa lagu shaaciyay in Isbahaysiga UMP ee haya talada uu ku guuleystay 58 kursi, oo ka mid ah 65-ta kursi ee uu ka kooban yahay Baarlamanka Djibouti, kuwaas oo saddex ka mid ah lasoo xulo, halka 7 kursi uu ku guuleystay xusbiga mucaaridka ee UDJ.

Sidaa awgeed isbahaysiga UMP, ayaa noqday Gudoomiyaha cusub oo xubin ka ah xisbiga ugu aqlabiyadda baddan ee Baarlamaanka Djiboutri, kaas oo ah Isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka.

Kalfadhii koowaad ee ay yeesheen xubnaha cusub Gollaha Shacabka Djibouti, ayaa Axaddii maanta, waxa Guddoomiye loogu doortay Siyaasiga Dileyta Maxamed Dileyta, kaas oo hore u noqday Ra’iisal wasaaraha dalka Djibouti muddo 12 sannadood ah, isagoo xilkaa hayay inta u dhaxaysay 7 March, 2001, illaa iyo March 31, 2013.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post