X
    Categories: Warar

Djibouti Oo Xidhay Xadka Ay Somaliland La Wadaagto

Araweelo News Network

 

Djibouti(ANN)-Xukuumadda Dalka Djibouti  ayaa xidhay xadka ay la wadaagto jamhuuriyadda Somaliland muddo cayiman, sida lagu shaaciyay amar kasoo baxay maanta Xukuumadda Dalkaa.

Amarka Digreetada ah ee  xukuumadda Djibouti, ayaa kasoo baxay Madaxtooyadda, kaasoo uu ku xaeexanyahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana amray Masuuliyiinta Difaaca, arrimaha gudaha iyo Caafimaadka inay fuliyaan amarkaa.

Sida lagu xusay amarka Xayiraada ah, waxa lagu sababeeyay xidhitaanka xadka ay Somaliland la wadaagto Djibouti mid ka dhalatay sababo dhanka Caafimaadka ah.kaddib markii laga helay qaar ka mid ah dadka dhanka Somaliland ka tegey ee galay Dalka Djibouti xannuunka COVID-19.

AKHRI: Somaliland Oo Xaqiijisay In Xumadda COVID-19, Lagu Arkay Deegaamo Ay Mareen Dad Xanbaarsanaa Fayriska

Arrintaa ayaa sababtay in muddo 15 Maalmood oo ka bilaabmay maanta 20 Oct, 2020, la joojiyay isu socodka dadka ee Somaliland iyo Djibouti.

Dadka ka talaabayay xadka Somaliland iyo Djibouti oo baadhitaano caafimaad la mariyay, ayaa laga helay xannuunka COVID-19, iyadoo tiro labaataneeyo ah oo ka tegey dhanka Somaliland laga helay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post