X

Djibouti Oo Somaliland Usoo Dirtay Wefdi Ka Qaybgelaya Xuska Munaasibada 18 May Saddon Sanaddood Kadib

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Dalka Djibouti ayaa usoo dirtay Somaliland wefdi kala qaybgelaya sodon-guurada xuska munaasibada 18 May, oo ku beegan maalinta beri.

Wasiirka Macdanta Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Xaaji Cigaal, Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka Somaliland ee kala dewan, Agaasimaha Madaxtooyadda  iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa wefdiga dalka Djibouti kusoo dhoweeyay maanta madaarka hargeysa ee caalamiga ah (Egal International Airport).

 

 

Xubnaha Wefdiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno, wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal guud, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, waxaana hoggaaminaya xoghayaha gaarka ah ee Ra’isal wasaaraha Djibouti, Nagiib Cabdallah Kaamil, waxayna dawladda Djibouti usoo wakiilatay ka qaybgalka 18-ka May oo maalinta beri laga xusayo Somaliland sannad-guuradii 30-aad ee  kasoo wareegtay lasoo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland 18 May 1991, markii Burco lagaga dhawaaqay xilli laga joogo maanta soddon sannadood.

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Xaaji Cigaal oo madasha ka jeediyey kelmedo kooban oo soo dhaweyn ah, ayaa u mahadnaqay dawladda Djibouti uga mahad celiyay in ay munaasibadaa qiimaha leh kala qaybgasho, isagoo xubnaha weftiga usoo dhaweeyey si kalfuran oo walaaltinnimo ku dheehan tahay.

Wasiirka Macdanta Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Xaaji Cigaal Image 17 May 2021. Araweelo News Network.

Xoghayaha gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha dalka Djibouti,  Nagiib Cabdallah Kaamil, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay soo dhoweynta loo sameeyay, ayaa xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweysay iyo walaaltinnimada ay u muujisay.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post