Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Dalka Djibouti ayaa usoo dirtay Somaliland wefdi kala qaybgelaya sodon-guurada xuska munaasibada 18 May, oo ku beegan maalinta beri.
Wasiirka Macdanta Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Xaaji Cigaal, Taliyayaasha Ciidamadda Qaranka Somaliland ee kala dewan, Agaasimaha Madaxtooyadda iyo Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa wefdiga dalka Djibouti kusoo dhoweeyay maanta madaarka hargeysa ee caalamiga ah (Egal International Airport).
Xubnaha Wefdiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno, wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal guud, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, waxaana hoggaaminaya xoghayaha gaarka ah ee Ra’isal wasaaraha Djibouti, Nagiib Cabdallah Kaamil, waxayna dawladda Djibouti usoo wakiilatay ka qaybgalka 18-ka May oo maalinta beri laga xusayo Somaliland sannad-guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay lasoo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland 18 May 1991, markii Burco lagaga dhawaaqay xilli laga joogo maanta soddon sannadood.
Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Xaaji Cigaal oo madasha ka jeediyey kelmedo kooban oo soo dhaweyn ah, ayaa u mahadnaqay dawladda Djibouti uga mahad celiyay in ay munaasibadaa qiimaha leh kala qaybgasho, isagoo xubnaha weftiga usoo dhaweeyey si kalfuran oo walaaltinnimo ku dheehan tahay.
Xoghayaha gaarka ah ee Ra’iisal wasaaraha dalka Djibouti, Nagiib Cabdallah Kaamil, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay soo dhoweynta loo sameeyay, ayaa xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweysay iyo walaaltinnimada ay u muujisay.
Araweelo News Network
info@araweelonews.com