X
    Categories: Warar

Djibouti Oo Qiratay Inay Ciidankeedu Ku Dagaalameen Biyaha Somaliland, Balse Diiday Inay Raaligelin Ka Bixiso Wixii Dhacay

Araweelo News Network

Djibouti(ANN)Wadahadalo iyo shirar muddo sadex maalmood ah qaatay oo u socday masuuliyiin ka tirsan labada xukuumadood ee Somaliland iyo Djibouti, ayaa lagu soo afjaray xiisadii ka dhalatay Isniintii lasoo dhaafay dhimashada Askari ka tirsan Ciidanka Badda Somaliland, kadib markii isku dhac labada ciidan ee labada dal ka dhacay Jaziirada Ceebaad ee galbeedka Somaliland oo dhacda xadka dhinaca Badda ee ay Somaliland la wadaagto Djibouti.

Heshiiska masuuliyiinta laba dhinac wada gaadheen, waxay dawlada Djibouti ku qiratay khaladkeeda gardarada ahaa ee ay ku qaaday ciidamada Badda Somaliland oo ku sugan xuduuda badooda.

Dawlada Djibouti, ayaa hore u dafirtay inay wax gef ah ka gashay Somaliland, balse wadahadalka kadib waxay qiratay khaladka ay ku weerareen ciidamada somaliland, kaas oo ay ku qirteen sidoo kale inay ku xad gudbeen biyaha Somaliland .
Sidoo kale dawlada Djibouti, ayaa dhabarka u ridatay dhimashadii iyo dhamaanba khasaarihii halkaasi ka dhashay oo ka bixiyeen xaal, balse aanay raali gelin ka bixin xad gudubka ay ku kaceen ciidamadoodu.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali warancadde oo hogaaminaya waftida dhinaca Somaliland ka socda, ayaa la hadlay warbaahinta markii uu dhamaaday kulanku, waxaana ku weheliyay dhinaca Somaliland, wasiirka Kalluumaysiga Cali Buured, Taliyaha ciidamada Badda Gen. Maxamed Xuseen Xiirane, safiirka Somaliland u fadhiyada Djibouti, Af-hayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo Taliyaha aaga galbeed ee ciidamada Badda Somaliland.

Halka dhinaca Djibouti ay wadahadalkaa u metelayeen wasiirka Kalluumaysiga Djibouti Maxamed Somali iyo Taliyaha ciidamada Badda Djibouti Cabdiraxmaan Shiir.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post