#Araweelo_News_Network

 

Djibouti (ANN)- Xukuumadda Dalka Djibouti ayaa ka  bixisay jawaab  eedayn xukuumadda  Somaliland u jeedisay oo la xidhiidhay dhaq-dhaqaaq mucaarad ku ah Somaliland oo ay xukuumadda Djibouti doonayso innay u jabhadeeyaan Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa ku tilmaamay arrinta abaabulka jabhada kasoo jeeda deegaanka Awdal ee la baxay “Awdal State ” oo Madaxweynaha Djibouti dalkiisa ku casuumay in aannay Somaliland ka filayn Djibouti, balse aannay dib uga guranayn.

Hase yeeshee Wasaaradda Isgaadhsiinta ee Djibouti, ayaa jawaab ka bixisay eedayntaa, iyadoo qoraalka ay soo saartay oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabkaddaha Araweelo-News_Network, ayaa si dublamaasiyad ka muuqato uga jawaabay eedaynta Xukuumadda Somaliland.

Qoraalka jawaabta ah ee Djibouti ka biixisay eedaynta ay Somaliland u jeedisay oo ku taariikhaysan 1 july 2024, halkan hoose ka akhri.