X

Djibouti Oo Guddi Soo Qiimaysa Xiisaadda Muranka Soomaaliya Iyo Kenya

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf, 24 December 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

#Djibouti Oo Guddi Soo Qiimaysa Xiisaadda Muranka @Soomaaliya Iyo #Kenya

Djibouti(ANN)-Xukuumadda Dalka Djibouti, ayaa sheegtay in ay wefdi xaqiiqo raadin ah u dirtay Soomaaliya iyo Kenya si ay usoo xaqiijiyaan, isla markaana usoo qiimeeyaan xuddunta khilaafka iyo xiisadda labada dale e Kenya iyo Soomaaliya.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha dibedda dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf oo sheegay in wafti ka kooban mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Djibouti oo iskugu jira dublomaasiyiin iyo saraakiil sare oo millatari ay maanta gaadheen Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in wafdigu ay soo qiimayn doonaan xaaladda soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmooyinka xadka labada dal maro ee guddaha Soomaaliya ee Belad -Xaawo iyo Mandheera, deegaamadaa oo ay dawladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay dawladda Kenya ku samaysay faragelin, isla markaana ay xaalad cakiran ka jirto maalmihii u danbeeyay.

Wasiirka Arrimaha dibbeda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dawladdiisu ay danaynayso sidii loo xalin lahaa khilaafka labada dale e Kenya iyo Soomaaliya, isla markaana heshiis looga dhex dhalin lahaa labada dhinac ee meesha looga saari lahaa xiisadda sii xumaatay maalmihihii u danbeeyay.

“Djibouti ahaan waxaan aaminsan nahay in Jabuuti ay door ka ciyaarto nabadda iyo xasiloonida gobolka. Arrintana waxay ka dhalatay Shirkii ugu dambeeyay ee Madaxda IGAD oo ka qabsoomay Dalkayaga oo marti gelisay Djibouti, waxayna ka mid ahayd arrimihii lagu soo qaaday, waxaana labada dhinac aqbaleen in Djibouti arrintooda gasho, waana mid aan sii wadayno arrintan ilaa aan xaaladda ka dejino.”Ayuu yidhi.

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post