X
    Categories: Warar

Djibouti Oo Daa-dafaysay Go’aanka Maxkamadda London Ee Shirkadda DP World Ku Sheegatay Guusha

Maamulaha Guud ee Dekeddaha Dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi. Araweelo News Network 17 Jan 2020

“Dawladda Djibouti wax heshiis ah lama gelin Shirkadda DP World ” Maamulaha Guud ee Dekeddaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi.

Djibouti (ANN)-Dawladda Djibouti, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay qoraal kasoo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad ka dhaxaysay dawladda Djibouti, oo ka socotay maxkamad ku taala magaalada London.

Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain, kadib markii ay Dawladda Djibouti iyo Shirkadda DP World ay isku maan-dhaafeen maamulka Dekedda Doraleh oo ay maal-gelisay DP World. February 2004.kadib markii labada dhinac kala saxeexdeen heshiis 30 sannadood ah.

Balse Dawladda Djibouti, ayaa shirkadda DP World ka qaaday maamulka Dekedda bishii February ee sannadkii 2018-kii, taas oo sababtay in Shirkadda DP World dacwad ka furato Maxkamad ku taal dalka Britain.

Maamulaha guud ee dekeddaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti shalay, ayaa sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, wuxuuse xusay in shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal-galinta Dekeddaha Djibouti, isagoo gaashaanka ku dhuftay go’aanka ay Shirakadda DP World sheegtay inuu kasoo baxay maxkamadda ku taal London.
“Dawladda Djibouti wax heshiis ah lama gelin Shirkadda DP World, Djbouti, waxay heshiis la gashay Doraleh container terminal oo DP World leedahay sheerka ugu yar 33%, Dawladda Djiboutina ay leedahay 67%, markaa waxay u baahantahay taas in la saxo, mana aha laba shirkadood haday is diidaan inay is dacweeyeen midna ma isticmaali karo magacii shirkaddii ay isugu ymaadeen, markaa Dawladda Djibouti waxay heshiiska la gashay shirkadda DCT (Doraleh Container Terminal), heshiiskaana waxa jebisay DP World, anaguna Dawladda Djibout, waan diidnay inaan tagno Maxkamadda, wixii Baayac-mushtar ku saabsan waxa yaal oo keliya meesha waa Mag-dhaw, Djobutina diyaar ayay u tahay Mag-dhawgaa,laakiin raggan (DP World) uma socdaan mag-dhaw ee waxay doonayaan inay qabsadaan Dekeddaha Djobuti iyo Dekeddaha Badda-cas oo ka ilaaliyaan horrumarka iyo maal-gashiga oo halkaa ku hayaan si ay mudnaanta u siiyaan Dekeddohooda ku yaal gacanka.” ayuu yidhi, Maamulaha Guud ee Dekeddaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi.

Shirkadda DP World, ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, waxayna maamusha in ka badan 78 Dekedood oo ku yaal 42 dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dekedda Boosaaso ee Maamul goboleedka Soomaaliya oo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ka cadhootay, taas oo sababtay in Dawladda Imaaraadka iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya si weyn isugu maan-dhaafeen, isla markaana sababtay in xidhiidhkoodu xumaado.
Go’aanka dowladda Djibouti ay maamulka dekedda Doraleh kala wareegtay DP World ayaa ka dambeeyay markii ay shirkaddu sheegtay inay dhiseyso Dekedda Istiraatiijiga ah ee Berbera ee jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga faa’iidaysataan Ethiopia iyo dalalka kale ee aan lahayn dekeddaha ee Bariga Afrika, taas oo ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay DP World iyo Dawladda Djibouti oo sababay inay DP World dacwad u gudbiso Maxkamad ku taal Dalka Britain.

Badeecaddaha Ethiopia, 95% waxay soo maraan dekeddaha Dalka Djibouti, waxayna Tallaabadaa maal-gelinta Dekedda Berbera Djibouti u arkeysay mid halis galineysa ganacsiga ay kaligeed heysatay ee ku saabsan kala daabulista badeecooyinka Ethiopia.

Shirkadda DP World, ee fadhigeedu yahay Dubai, ayaa sheegtay in dowladda Djibouti ay shan jeer oo hore iska dhaga tirtay amarro kasoo baxay maxkamadda, balse ay hadda sugayaan jawaabta ay dowladda Djibouti ka bixin doonto xukunka ugu dambeeyay ee ay maxkamadda soo saartay.

AKHRI: Maxkamad Ku Taal London Oo Soo Saartay Xukun Go’aan Oo Ka Dhan Ah Dawladda Djibouti

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post