Hargeysa(ANN)-Munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu xusayo sannad-guuradii 42aad ee kasoo wareegtay markii Dalka Djibouti xoriyadiisa ka qaatay gumaysigii Faransiiska 27 Jun 1977, ayaa xalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysaka.
Munaasibadaa oo ay kasoo qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, Safiirka Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Somaliland Ambassador, Xuseen Cumar Kawaaliye, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Xildhibaanno ka socday dalka Djibouti, Safiirrada dalalka Ethiopia, iyo Turkiga u jooga Somaliland, Siyaasiyiin, Diblamaasiyiin ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Hargeysa, Midawga Afrika, Jaaliyadda Reer Djibouti ee Somaliland ku dhaqan, Xubno ka socday Shirkaddaha Somcable iyo Telesom, Fannaaniin, Mudan iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan
Xuska Munaasibaddaa waxaa soo qaban-qaabisay Saafarada Djibouti ee Somaliland, waxaana hfuritaankii hadlao kooba ka jeedisay Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Djibouti ee Somaliland ku dhaqan Maryan Xariir Faarax, waxayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan Bulshada reer Djibouti iyo dowladdooda oo ay ugu hanbalyaysay munaasibadaa qiimaha baddan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa isaguna xafladdaas ka hadlay, wuxuuna ka waramay xidhiidhka wada-shaqayneed ee wasaarad ahaan iyo Safaaradda ka dhexeeya iyo xidhiidhka guud ee Somaliland iyo Djibouti, oo uu tilmaamay inuu marba marka ka dambaysa sii xoogaysanaya, isagoo hambalyo u diray guud ahaan dadweynaha reer Djibouti, 42-guurada xornimadooda ee ay u dalkooda iyo dunidaba ugu dabbaal-degayaan.
Sidoo kale Cabdiwahaab Maax oo ka socday Shirkadda Telesom iyo Eng. Axmed Cabdi Ibraahin oo Somcable ka tirsan, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana hambalyo u diray Shacabka iyo dawladda Djibouti.
Cabdalle Xaaji Cismaan oo ah Suxufi qoraa ah oo reer Djibouti oo kamid ahaa dadkii munaasibadaa ka hadlay, ayaa ka warramay taariikhda halgankii loo soo maray xorriyadda Jamhuiriyadda Djibouti ee oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid qadhaadh.
Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ku leedahay Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa ka sokow hambalyada uu u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , Marwadiisa, Khadra Maxamuud Xayd, Ra’iisul wasaaraha dalkaa iyo guud ahaan shacabka reer Djiboutii, waxa uu ka warramay wax-qabadka dowladda Djibouti. Waxaanu Safiirku u mahad-celiyey Madaxda, Mudanta iyo Marti-sharafta kale ee ka soo qaybgalay munaasibadda 42-guurada ee ay Hargeysa ku qabteen xalay.
Waxa uu Safiirku ku soo dhaweeyey cod-baahiyaha Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo sheegay inay Dadka iyo Dowladda Djibouti la wadaagayaan farxadda 42-guurada gobonnimadooda iyo maalintii xorriyaddooda ka soo wareegtay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlaya xidhiidhka dhaqan iyo dhiig ee ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti, ayaa sheegay inuu yahay xidhiidhku mid walaalnimo oo soo jireen ah, weligiina sii jiri doona.
Markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku hadalka dhammeeyey, waxay saacadda geeska Afrika is dul-taagtay 12:00 (laba iyo tobankii habeennimo), waxa la shiday amma la daaray, isla markaana Madax iyo Shicibba loo istaagay Heesta Calanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo dabcan dareenkeeda iyo qiiradeeda la wada muujiyey.
Munaasibadaa xuska 42 guurada xoriyada Djibouti, waxa taariikhda halgankii gobonimadaa loo soomaray ka sakaw lagu soo bandhigay Heeso kala duwan oo loo sameeyey calanka iyo dowladda Djibouti iyo qaar muujinayey wax-qabadka iyo hoggaaminta Madaxweynaha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , Marwadiisa, Khadra Maxamuud Xayd oo lagu ammaanay, isla markaana Fannaaniintu ku soo bandhigeen intii ay Munaasibadda dabbaal-degga 42-guurada Xornimada Djibouti socotay ee 27 June 2019.