X

Djibouti: Madaxweyne Geelle Oo Ka Hadlay Weerar Khasaare Dhaliyay Iyo Askar La Waayay

Araweelo News Network.

Djibouti(ANN)+ Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay weerrar khasaare dhaliyay oo ay ku nafwaayeen qaar ka mid ah Askarta dalka Djibouti, wuxuuna si adag u canbaareeyay kooxda weerarka soo qaaday.

Ismail Omar Gelleh, Image File Araweelo News Network 9 June 2020

Madaxweyne Geelle, wuxuu sheegay in aan laga hadhayn dadkii weerarka soo qaaday,isagoo ku hanjabay in cadaaladda la horkeeni doono kooxda weerarka geysatay.

Weerarka oo sababay dhimashada toddoba Askari, halka Afar kale ay ku dhaawacmeen. iyadoo lix kale oo ciidanka ka tirsan aan lahayn nolol iyo geeri, balse ay wasaaradda gaashaandhigu sheegtay in lagu dabajiro, iyadoo la rumaysan yahay in dablaydu qafaasheen.

Dablayda ayaa goor habeen badh ah weerar kusoo qaaday deegaanka, waxayna wararka Shebekadda Wararka ee Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo kala duwan oo dhinaca dalka Djibouti ah sheegeen in kooxda dablaydu doonayeen in ay la baxaan Lix nin oo dhinaca Ethiopia laga soo xidhay, isla markaana gacanta loo geliyay dawladda Djibouti.

Kooxda oo la rumaysan yahay in ay kasoo jeedaan falaagada Cafarta, ayaa hawlgalka ku fuliyay qorshihii ay lahaayeen, iyagoo kala baxay halkaa Lix Nin oo ay doonayeen, balse khasaaraha dagaalka dhexmay ayaa sababay dhimashada 7 asakari iyo Afar askari oo dhaawac ah, halka ay qafaasheen Lix kale.

Xukuumadda Djibouti ma sheegin in cid laga dilay fallaagada, balse waxay wasaaradda gaashaandhigu ku sheegtaywar-saxaafadeed kooban in lagu daba jiro oo ay xukuumaddu deegaanka geysay ciidamo tiro baddan markii uu weerarku dhacay.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Gobolka Tojura ee Woqooyi galbeed ee dalka Djobouti habeenkii Jimcihii todobaadkan, waxaana lala xidhiidhiyay fallaagada Furuut ee Canfarta oo ka dagalaanta halkaa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post