X

Djibouti: Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Caasha Is Geliyay Munaasibadda Geelle

Madaxweynaha Somaliland Musue Biixi Cabdi Iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo caasha Is geliyay Munaasibadda Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle lagu caleemasaaray markii shannaad 15 May 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaya wefti xukuumadda ka tisran, ayaa maanta dalka Djibouti kaga qaybagalay munaasibad ballaadhan oo lagu caleemo saarayey madaxweynaha dalkaa Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad xilka loo dhaariyay maanta.

Wasiirka Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah afhayeenka xukuumadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah xubnaha wefdiga, ayaa warbaahinta la hadlay, wuxuuna dawladda Djibouti iyo shacabkoodaba uga mahadceliyey hannaanka walaaltinnimada derisnimada leh ee ay u qaabileen madaxweynaha qaranka Somaliland iyo hab-maamuuska milgaha leh ee ay u sameeyey weftiga madaxweynaha.

 

Dhinaca kale, waxa la arkayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero socdaan madaxweyneyaal, Ra’isal wasaareyaal iyo madax kala duwan ee caalamka ka kala socotay, kuwaas oo dalka Djibouti u jooga ka qaybgalka dhaarinta madaxweynahe Ismaaciil Cumar Geelle.

Markii ay dhamamatay munaasibada markii shannaad Madaxweyne Geelle loogu cumaamaday inuu dalkaa hoggaamiyo shanta sannadood ee socda, wuxuu hoggaamiyayaasha martida u ahaa usameeyey hadhimo-sharafeed.

Muuqaalo iyo sawiro ay Madaxda ka socotay dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu hoggaamiyay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la arkayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaare Rooble oo salaam isku gacan qaadaya, isla markaana ay ka muuqato dhoola-cadayn, waxayna muuqaaladan soo baxeen, iyadoo ra’iisal wasaare Rooble sheegay in markii ay munaasibadu dhammaatay kulan-doceedyo la yeesheen wefdigiisu qaar ka mid ah Madaxda kasoo qaybgashay munaasibada oo ay ka wada hadleen danaha Soomaaliya, balse ma sheegin kuwa ay yihiin madaxda ay isaga iyo wefdigiisu kulan doceedyada la yeesheen.

Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Djibouti Iyo Su’aasha Ka Taagan

Waxaa xusid mudan in dalka ay laba wefdi martida uu yihiin ee Madaxweynaha loo caleemasaarayo markii shannaad uu yahay dhexdhexaadiyaha labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu qabtay wada hadaladii u danbeeyay ee dhinacyadu ku kulmaan dalka Djibouti Jun 2020.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post