X

Djibouti: Dalalka Ku Bahoobay Urur Goboleedka IGAD Ee Shirku U Furmay Iyo Khilaafaadka Huursan Ee Horyaal

 Araweelo News Network.

#Djibouti(ANN)-Shirka aan caadi ahayn ee Urur goboleedka @IGAD, ayaa si rasmi ah uga furmay maanta Magaalada Djibouti ee xarunta u ah dalkaa, waxaana ka qayb- galay inta badan hoggaamiyayaasha gobolka, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaraha dalka Suudaan Abdalla Hamdok, maadaama dalka Suudaan yahay Guddoomiyaha sannadkan ee madaxda Urur goboleedka IGAD.

Hadal uu ka jeediyay Abdalla Hamdok madasha shirka, wuxuu tilmaamay arrimaha horyaalla urur goboleedka oo ay ka mid yihiin iskaashiga, Abaaraha iyo la dagaalanka Ayaxa.

Ka hor furitaanka shirka oo ah kii 38aad ee aan caadi ahayn , waxa kulamo gaar gaar ah ay yeesheen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya; Itoobiya iyo Suudaan. Sidoo kale waxaa kulan afar-geesood ah yeeshay madaxda Ethiopia, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti, kulamadaa ayaa ahaa kuwo gogol xaadh u ah shirka.

Hase yeeshee lama ogga waxyaabaha kulamada gaarka ah lagaga wada hadlay, iyadoo ay jitaan ka sokow arrimaha uu soo qaaday guddoomiyaha shirka Abdalla Hamdok in ay jiraan arrimo khilaafaad siyaasadeed iyo dagaalo la xidhiidha gobolka oo lagaga hadlayo shirka.

Waxaana la filayaa in arrimaha dagaalka dalka Ethiopia ee gobolka Tigray ay qayb ka noqdaan, walaw uu ra’iisal wasaaraha Ethiopia ku doodayo in ay arrintaasi tahay mid daakhili ah oo aan khusayn shirka Urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale, xukuumadda Soomaaliya iyo dalka Kenya oo si weyn isu khilaafsan ayaan ka maydhayn arrimaha lagaga hadlayo shirka, iyadoo sidoo kale uu jiro khilaaf xilligan u dhexeeya dalka Suudaan oo guddoomiyana shirka iyo dalka Ethiopia, kaas oo sii xoojiyay khilaafkii marka horeba ee dhanka Biyaha Webiga Niilka, isla markaana khilaafka cusub ayaa ah mid uu sababay dagaalka gobolka Tigary ee Ethiopia.

Waxa kale, oo arrimaha shirkaa lagaga hadlayo ka mid ah wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya oo lays weydiinayo halka ay ku danbeeyeen guddiyadii loo saaray arrintaa, walaw ay sheegayaan hoggaamiyayaasha IGAD in shirka loo qorsheeyay maalin keliya, taas oo u muuqata in aannay wax badan ka tarayn mushkiladaha iyo khilaafaadka huursan ee horyaal madaxda Urur goboleedka IGAD.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post