#Araweelo_News_Network.

Muqdisho(ANN)-Diyaaraddaha Millateriga ee Masar, ayaa ka degay maanta Madaarka Muqdisho, iyadoo la xaqiijiyay inay laba ka mid ah diyaaradooddaha noocoodu yahay C-130, oo ay leyihiin Millateriga Masar ka degeen halkaa, sida ay warbaahinta maxaliga ah baahisay muuqaalo laga duubay.

Masuuliyiin ka mid ah kuwa Millateriga Soomaaliya, ayaa ugu tegey garoonka markii ay ka degeen, wallow aan la ogayn ujeedadda ay u tageen Muqdosho, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Masar qorshaysay innay ciidamo gaadhaya 10,000 geynayso marka Somalia, kuwaas oo wejiga koowaad la geynayo gobollada ku dhegsan xadka Ethiopia ee ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia ee ka hawlgala Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo soo saarin socdaalka diyaaraddaha Millateriga ee Masar, mana jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya ujeedadda ay u tageen Muqdisho iyo waxa ay sideen, balse waxa jira ila wareedyo laga soo xigtay hawlwadeenada madaarka oo sheegay in ay labada diyaaradood sideen Qalab iyo saannad Millateri oo loo  siday Ciidamadda dawladda Masar doonayso innay geyso Somalia.

Somalia iyo Masar, ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay kala saxeexday heshiis dhanka is-kaashiga ah, iyadoo dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh doonayso in ciidamada Masar qayb ka noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika ATMIS ee ka hawlgala Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen innay beddelayaan ciidamadda Ethiopia ee ku sugan halkaa, marka ay dhammaato dhowaan mudada loo qoondeeyay innay sii joogaan Jan 2025.

Heshiiska Dawladda Masar iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid loo macneeyay innay Somalia kaga jawaabay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia ee Is-afgaradka 1 Jan 2024, kaas oo ay si weyn uga cadhootay, waxayna taa beddelkeeda heshiiska dhanka Millateriga la gashay dawladda Masar, basle xukuumadda Ethiopia ayaa arrintaa ku tilmaantay mid daan-daansi ah oo la doonayo in khilaafka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia ee Biyaha webiga Niilka usoo wareejiyaan Soomaaliya, taas oo laga cabsi qabo innay sii huruso collaadda gobolka iyo sidoo kale innay soo cusboonaysiiso collaaddii guunka ahayd ee gobolka.

Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa ka digay in ciidamadda Masar oo la geeyo Soomaaliya ay xaalladda ka dhigayaan mid khatar ah oo sababi karta innay dib usoo laabato coollaaddii guunka ahayd ee Ethiopia iyo Soomaaliya, wallow dawladda Federaalka ee Ethiopia dhankeeda sheegtay in aannay marba uga waabanayn alaalinta amaankooda wixii khatar ku ah dalkooda.

Adaan Farah oo ah xidhiidhiyaha xarrunta horrumarka iyo dimuqradiyadda Ethiopia, isla markaana ah ku xigeenka ra’iisal wasaaraha iyo  ku xigeenka Xisbiga Ethiopia’s ruling Prosperity Party (PP), ayaa todobaadkan sheegay in aannay Ethiopia ka laabanayn heshiiska MoU ee ay la gashay Somaliland, isagoo dhinaca kale xusay inay diyaar u yihiin wareegii saddexaad ee wadahadalka Turkiga ee ay dawladda Somalia la lahaayeen.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com