X
    Categories: Warar

Diyaaradaha Kenya Oo Burburiyay Masjid Iyo Dugsi Waxbarasho Deegaanka Garbahaarey

Araweelo News Network

Garbahaarey(ANN)Diyaaradaha dagaalka ee Kenya, ayaa duqeeyay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta soomaaliya.
Sida at sheegayaan wararka hordhaca ah ee ka imanaya deegaankaa, waxay diyaaradaha Milateriga Kenya weerarkaa fuliyeen saaka waaberigii Tuulo Barwaaqo oo ku taal duleedka degmada Garbahaareey ee Koonfur galbeed Somalia.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta ugu horraysa ay ku dhacday Masjid jaamaca weyn ee Tuulo Barwaaqo daqiiqdo kadib markii laga baxay salaadii subax masjidka, iyadoo aanay dadka wax khasaare ah soo gaadhin, balse dhismaha Masjidku uu burburay.

Sidoo kale duqaynta lala beegsaday dugsiga, ayaa kusoo beegantay maalin khamiis ah oo Ardaydu fasax ka haayeen dugsiga, mana jiro wax khasaare nafeed oo ay geysteen duqaymaha saaka diyaaraddaha Milateriga Kenya ka fuliyeen deegaankaa.

Diyaaradaha Kenya, ayaa marar badan duqaymo ka fuliya deegaankaa iyo kuwo kale oo Koonfurta Somalia ah, waxayna waxyeelo u geystaan dadka rayidka ah.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post