Araweelo News Network

haweenay xijaabanWashington(ANN)Dadka muslimiinta ah ayaa xadgudubyo kala duwan kala kulma dalalka reer galbeedka, gaar ahaan qaaradda Yurub iyo Ameerika, kuwaasoo lagula kaco gefef fool-xun iyo bah-dilaad, iyadoo dad badan oo islaam ah laga dejiyey diyaaradaha rakaabka ee dalalkaas, kadib marka loo garto inay yihiin muslimiin.
Dhacdadii ugu dambaysay ee arrintan la xidhiidha, waxa la kulantay haweenay muslimad ah oo xijaaban, taasoo laga dejiyey diyaarad kuwa rakaabka oo ay leedahay shirkadda Maraykanka ee Southwest Airlines oo ku socotay magaalada Chicago ee dalkaas, kadib markii dadkii rakaabka ahaa qaar ka mid ah ay sheegeen in aanay ku niyad samayn gabadhan.
Sida lagu faafiyey wargeyska The Independent maalintii Jimcaha toddobaadkan oo Jamhuuriya soo xigtay, gabadhan oo la yidhaa Xakuuma Cabdulle, ayaa cunsuriyad fool xun kala kulantay safarkeeda, iyadoo qof fadhiyey agteedu ka codsaday inay kursiga u beddesho, balse, qof ka mid ah shaqaalaha diyaaradda, ayaa markii dambe ka codsaday inay ka degto diyaaradda, isagoo u sheegay in aan rakaabka loo ogolayn in ay kuraasta kala beddeshaan, inkastoo aanay diyaaraddu lahayn wax heshiis ah oo habka loo fadhiisanayo ku saabsan.
Golaha Islaamka Ameerika (The Council on American Islamic Relation (CAIR), ayaa dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo falka lagula kacay haweenayda xijaaban.
“Waxay la kulantay cadho aad u badan iyo murugo ay ku sababeen arrimahan. Dadka hortooda lagu bah-dilay, waliba diyaaradda oo ay ka buuxaan rakaab badan,” ayey tidhi Saynab Chaudry oo ka mid ah Golaha CAIR, una warramaysay wargeyska Independent.
Shirkadda South Airlines, ayaa sheegtay in gabadhan ay ku xad-gudubtay siyaasad dhaqanka amma anshaxa diyaaradda u yaala ah, cidna aanay la wadaagin, waxaanay war-murtiyeedka ka soo baxay shirkadda diyaaradda lagu yidhi; “Ganacsiyaaga kuma jirto in qof rakaab ah bilaa sabab diyaaradda looga saaro, hadafkayaguna waa in aannu geyno rakaabkayaga macaamiisha ah meeshay doonayaan. Waxa aannnu masuul ka nahay in ay rakaabku degenadaan, umana dul qaadano midab-takoor nooca doono ha noqdee.”
Dadka muslimiinta ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyey falal xun iyo hab-dhaqan aad u liita kala kulmayey dalalka reerka galbeedka ilaa intii ay soo baxeen ISIS amma dawladda Islaamka ee Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo weerarrada ururkaasi geysto dartood loo ciqaabo dad badan oo muslimiin aan waxba galabsan ah, balse diintooda oo qudha lagu dhibaateeyo.