Dad u dhow goobta, ayaa sheegay in qiiq madaw samada isku shareeray, balse ma jirto wax khasaare ah oo weerarka diyaaraduhu sababeen ilaa hadda, sidoo kale Madaxweyne Abdrabbuh Mansour ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ka maqnaa guriga marka gantaalaha lala beegsaday, iyadoo saraakiil dhinaca amniga ah oo u hadashay Koonfurta Cadan sheegeen in aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay Mansour Hadi.
Ilaa afar qof , ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Cadan, iyadoo la xidhay Madaarka kadib markii madaafiic lagu garaacay Madaarka, taas oo ka dhalatay awaamiir uu bixiyay Madaxweynihii hore oo ku sugan Cadan, isagoo ka wareejiyay Genaral ciidan ku sugan halkaa madax k ah, kaas oo ku gacansaydhay arrintaa oo sababtay inay isku dhacaan laba ciidan.
Diyaaradaha ka duulayay Garoonka caalamiga ah ee Cadan, ayaa la joojiyay, iyadoo Diyaarad laga leeyahay Dalka Masar laga dejiyay rakaabkii saarnaa.
Weerarka duqaynta dhinaca Cirka ee qasriga uu deganyahay Madaxweynihii hore, ayaa yimi wax yar ka dib markii si kumeel gaadh ah loo xidhay gegida caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Cadan, taas oo ay sababtay dagaal dhexmaray laba ciidan oo mid taageero ka haysto Xuutiyiinta la wareegay talada dalka ee dhinaca Woqooyiga awooda ku leh iyo maamulka Madaxweynihii la inqilaabay Abdrabbo Mansour ka sameeyay dhinaca koonfurta ee cadan oo uu ku sugnaa bishii u danbeyay tan iyo markii horaantii sanadkan january 2015, malayshiyada xuutigu afgenbiyeen xukuumadiisa, isagoo mudadaa ka dib ku jiray xabsi guri dhinaca magaalada Sanca, balse todobaadyo ka hor kasoo baxsaday. Kadibna dhinaca magaalada Cadan ee uu kasoo jeedo u guuray, isagoo sheegay inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dalka Yemen.
Xaalada dalka Yemen oo ay ku loolamayaan dalalka Iran, Sucuudiga iyo wadamada shisheeye, ayaa laga cabsiqabaa inay marto jidkii Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews