X
    Categories: Warar

Diyaarada Air Arabia Oo xaqiijisay inay Fiisaha Imaaraadka ku Bixinayso Baasaboorka Somaliland

Araweelo News Network

Sharjah(ANN)-Shirkada Diyaaradaha ee Air Arabia ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay fiisaha dal-ku-galka ee Imaaraadka Carabta ku bixinayso dhamaan noocyada Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraal caawa lagu baahiyey barta Facebook ee shirkada Air Arabia leedahay, isla markaana, weriye Maxamuud Walaaleye u xaqiijiyey masuul ka tirsan Guddiga Maamulka ee xafiiska Hargeysa ayaa lagu sheegay fariin lagu shaacinayo adeega cusub ee shirkadu bixinayso, oo dhignaa sidan:

“Ogeysiin: Waxa farxad noo ah inaan shaacino inaan xilligan bilownay siinta fiisaha (dal-ku-galka) Imaaraadka Carabta dadka sita baasaboorka Somaliland. Fadlan kala xidhiidh macluumaad dheeraad ah xafiiskayaga iibka oo ku yaal Cimaarada Deero Mall ee Hargeysa.

Hawshan bilaabmatay ayaa lagu sheegay inay ku timi dedaaladii xukuumadii hore Madaxweyne Md Axmed Maxamed Siilanyo iyo xukuumada wakhtigan ee Madaxweyne Md Muuse Biixi Cabdi u galeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka dublamaasiyadeed, dhaqaale iyo maalgashi ee labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraadku wadaagaan, isla markaana hormood u ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire iyo wakiilka JSL ee Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar

shirkada diyaaradaha Air Arabia ee fadhigeedu yahay imaarada Sharjah oo markii koowaad duulimaadyadeeda Somaliland bilowday 4 July, 2017, ayaa noqonaysa shirkadii ugu horaysay ee shaacisa inay baasaboorada JSL si toos ah ugu bixinayso fiisaha Imaaraadka, isla markaana meesha ka saaraysa shaki bulshada qaarkeed lagaga beeray muhiimada iyo faa’iidooyinka xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadku leeyahiin bulshada labada dal.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post