X

Diyaarad Millateri Oo Turkigu Leeyahay Oo Maydad Iyo Dhaawac Ka Qaaday Muqdisho

Ex-Kantarool Afgooye oo qarax ka dhacay 28 Desember 2019, Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)- Garoonka magaalada Muqdisho, waxa maanta soo caga-dhigatay Diyaarad millatari oo ay leedahay dowladda Turkigmay a, waxaana lagu daabulay dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee galbeedka magaalada Muqdisho.
Diyaaradda, ayaa halkaa ka qaadday 16 qof oo ka mid ah dadkii dhaawacyada halista ah kasoo gaadheen qaraxa, kuwii ugu cuslaa ee ku dhaawacmay qaraxii masiibada ahaa ee shalay.

Diyaaradda lagu qaaday dadka dhaawacyada culus ee aan xaaladooda waxba lagaga qaban karin, kuwaas inta ay diyaraaradu kusii jeedo dalka Turkiga ay caawinayaan dhakhaatiir Turkish ah oo la socda diyaaradda
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale, ayaa garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ku sugnaa markii dadka dhawaac ah laga qaadayay halkaa, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo dowladda Turkiga uga mahad celiyey gurmadka caafimaad ee ay u fidisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaadhay weerarkii shalay.

Qaraxii shalay aroortii ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee galbeedka magaalada Muqdisho, waxa ku dhintay ugu yaraan 80 qof oo u badan Arday ku socotay Jaamacaddo iyo Iskuulo iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan, sidoo kale waxa ku dhintay saraakiil u dhashay dalka Turkiga, waxaana ku dhaawacmay 125 oo isugu jira dhaawacyo culus iyo kuwa dhaawacyadoodu fudud yihiin.

Diyaaradda qaaday dadka dhaawacyada halista ah kasoo gaadheen qaraxaa ee Soomalida ah, ayaa sidoo kale la saaray Maydadka laba injineer oo u dhashay dalka Turkiga oo ku dhintay qaraxaa shalay. kuwaas ka shaqeynayay dayactirka wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxii shalay ee Isgoyska Ex-Control Afgooye, ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaa, laakin dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta Dawladda Soomaaliya iyo Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, waxayna Al-shaabab qaraxyo, weerraro iyo dilal qorshaysan, balse Al-shabaab ma sheegan qaraxa ugu danbeeyay ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sababay, sidoo kale Al-shaabab kama jawaabin eedaynta ay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya kula xidhiidhisay Qaraxaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post