X
    Categories: Warar

Diyaarad Laga Lahaa Dalka Emiraatka Oo Ku Bur-Burtay Garoonka Diyaaraddaha Ee Dubai

Araweelo News Network

Dubai(ANN)Diyaarad ay lahaydh shirkadda Diyaaraddaha ee Emirates airline ayaa ku dhacday garoonka caalamiga ah ee Dubia xili doonaysay inay ku degto halkaa, diyaaradaa ayaa dab weyn ka kacay ka hor intii aanay fadhiisan dhabaha diyaaraddaha ee Dubai.
Hase yeeshee Dhamaan dadkii saarnaa oo tiradooda lagu sheegay 300 qof, ayaa laga badbaadiyay shilka diyaaraddaa oo noocedu ahaa Boeing 777, isla markaana kasoo duuashay koonfurta Hindiya ee gobolka Kerala.

Muuqaalada laga duubay Diyaaradda ayaa u eg inay ku soo degtay caloosheeda, sawirrada ayaa laga arkay qiiq madow oo ka soo baxaya diyaaradda gudeheeda.

Af-hayeen u hadlay Dowladda Dubai ayaa sheegay in dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda laga soo dajiyay si nabad ah, balse ma sheegin wax khasaare nafeed ah oo shilkaa ka dhashay.

Shilka ayaa hakad geliyay duulimaadyada Diyaaradaha imanaya iyo kuwa duulaya oo la joojiyay dhowr saacadood, laakiin saacado kaddib ayay dib u bilaabmeen duulimaadyada iyo inay dhabaha diyaaraddaha ee Dubai soo caga dhigtaan.

” Markii aanu diyaaradda qorshaynay inaan diyaarada ka degno, ayaan aragnay Qiiq madaw oo ka imanaya gudaha Diyaaradda, Dadka way qaylinayeen si aad u adag ayaan u degnay, waxaan degnay anagoo is ticmaalayna meelaha sida degdega looga dego, markaan ka baxaynay jidka garoonka waxaan arkaynay holac qabsaday diyaaradda oo dhan” sidaa waxa u sheegay Reuters Sharon Maryam Sharji oo kamid ah Dadkii saarnaa diyaaradda ee ka badbaaday shilkaa.

Dhinaca kale Emarites airline ayaa sheegtay inay saarnaayeen diyaarada 282 oo rakaab, 18 shaqaale oo ka kala yimi 20 waddan. Dadka intooda badan waxay ahaayeen Hindi, 24 British ah iyo 11 qof oo ka yimi UAE, balse Emarites airline ma shaacin sababta shilka diyaaradda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post