Araweelo News Network

diyaaradamasarEgypt(ANN)Diyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air ayaa la sheegay in la afduubtay, xilli ay ka soo kicitantay Garoonka magaalladda Aleskandariya, kuna wajahanayd Garoonka Caalamiga ee magaalladda Qaahira.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus 320, duulimaadkeeduna ahaa MS181. ayaa siday 81 rakaab ah, Afhayeen u hadlay Shirkadda Egypt Air ayaa xaqiijiyey in la afduubtay Diyaaradaasi saaka, isla markaana Duuliyaha lagu khasbay inuu u jiheeyo Diyaaradda Jesiiradda Qubrus.

Dhinaca kale, Warbaahinta Dowladda Qubrus ayaa sheegtay inay Diyaaradaasi soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Larnaca Airport, iyadoo Ciiddamo xooggan iyo gaadiidka gurmadka iyo kuwa dab-damiska lagu diyaariyey Garoonka ay Diyaaradda fadhiisatay.
Mid ka mid ah rakaabka diyaarada ayaa sheegay inuu u xidhan yahay jaakadaha qarxa, taasoo sababtay inuu si fududu Afduub ahaan diyaarada ugu qabsado.
Duuliyaha Diyaarada ayaa sheegay in rakaabka ay u sheegeen in nin xidhan jaakadaha qarxa uu diyaarada saaran yahay, isla markaana lagu qasbay inuu ku dego Jaziirada Qubrus.
Diyaaradda EgyptAir ayaa sheegtay in dhamaan rakaabkii diyaarada la sii daayay, balse qaar ka mid ah shaqaalaha diyaarada iyo Afar ajnabi ah la heysto.
Shirkadda Diyaaradaha EgyptAir ayaa sheegtay in wada hadalo ay la gashay afduubaha kadib ay suurta gashay in rakaabka diyaarada la sii daayo.
Sideed muwaadin British ah ayaa saaran diyaarada, sida ay shaacisay xafiiska Arrimaha Dibadda Britain oo arrintan kala xiriiraya dowladaha Masar iyo Qubrus.
Warbaahinta Masar ayaa magaca afduubaha diyaarada ku sheegay Ibrahim Samaha, iyadoo aan falkaa lala xidhiidhin mid xidhiidh la leh argagixiso, balse afduubaha ayaa la sheegay in aanu ahayn qof maskax ahaan caafimaad qaba, isagoo falkaa u adeegsaday Jakeet aan ahayn kuwo lagu xidho waxyaabaha qarxa, balse been abuur ah, iyadoo sida wararka qaar sheegayaan ay haystay mushkilad dhinaca qoyskisia ah.
Ninka afduubaha sameeyay, ayaa dalbaday magangalyo siyaasadeed, sida ay sheegtay warbaahinta Qubrus.