X
    Categories: Warar

Diyaarad Ay Leedahay Shirkadda Fly Dubai Oo Ku Burburtay Ruushka

Araweelo News Network

Rostov-on-Don(ANN)Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah ayaa waxa ay ku burburtay magaalada Rostov-on-Don, ee waddanka Ruushka, waxaana ku dhintay 55 qof oo ahaa rakaabkii saarnaa diyaaraddaa saarneyd iyo 7-dii shaqaalaha aheydba,. Sidaana waxa sheegay saraakiisha madaarka shilku ka dhacay.
Diyaarada oo ay lahayd shirkadda FlyDubai Boeing 373-800, oo ka soo kicitintay magaalada Dubai, ayaa ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu isticmaalaan mar uu duuliyuhu iskudayayay in uu soo fadhiisiyo diyaaradda abaare 3:50 aroornimo waqtiga maxaliga ah ee saaka, waqtigaasi oo xilliga UK aheyd 0:50 ee saq dhexe.
Ilaa hada ma cadda waxa sababay burburka diyaaradda, haseyeeshee araga oo aad u xumaa iyo dabeyla xooggan ayaa loo malaynayaa in ay qeyb ka qaateen shilka.
Muuqaal lagu duubay kameerooyinka la socda dhaqdhaqaaqa garoonka ayaa waxa ay muujinayaan qarax iyo holac weyn kaddib markii ay diyaaraddu burburtay.
โ€œDiyaaraddu dhulkey ku dhacday, wayna kala googoโ€™dayโ€ sidaasi waxaa bartooda internet-ka ku sheegay Guddiga Baaritaanka ee Ruushka.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda aanay u suuragelin in ay ku degto iskudeygii koowaad ee ay ku caga dhigan laheyd oo ay dul wareegaysay garoonka muddo laba saacadood ah ka hor inta aanay ku burburin iskudaygii labaad, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaa.
Inta badan rakaabkii saarnaa diyaaradaasi oo uu duulimaadkeedu ahaa FZ981 ayaa u dhashay waddanka Ruushka, badhasaabka gobolka shilku ka dhacay ayaa sidaasi sheegay.
Sarkaal kale ayaa sheegay in saddex qof oo ajnabi ah ay ku jiraan liiska rakaabka diyaaradda sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
Lix ka mid ah todobada shaqaale ee diyaaraddaasi ayaanan u dhalan Ruushka, sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda xaaladaha degdega ee Ruushka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post