X
    Categories: Warar

Dilal Muqdisho Ka Dhacay Oo Sababay Mudaharaadyo

Muqdisho(ANN)- Boqolaal Dadweynaha magaalada Muqdisho oo cadhaysan, ayaa isugu soo baxay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho maanta, waxayna xidhteen wadada Wadnaha iyo dhammaan isgoysyada ku teedsan wadadaas dadka ayaa ku qeylinayay Erayo ka dhan ah dawladda Federaalka ee Madaxweyne  Farmaajo.

Dadka, ayaa ka cadhooday xaalada amniga ee sii xummaanay iyo toogasho loo geystay laba wiil ka mid ahaa dadka ku shaqaysta gaadiidka yar yar ee Bajaajta, kuwaas ciidamadda amaanku toogteen, waxayna dadka isugu soo baxay wadooyinka oo ay ku jiraan darawaliinta gaadiidka Bajaajtu codsanayaan in askarta dilka geystay lasoo qabto oo sharciga la horgeeyo.

Mudaharaadayaasha, waxa markii danbe la hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdi Raxmaan Yariisoow iyo Taliyaha Booliska, kuwaas oo ka codsaday inay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodii iyo guryahoodii.

 “Fadlan dhalinyarada Bajaajta ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan, si nabad ah aan shucuurteena u muujino, waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post