X
    Categories: Warar

Dilal Lagu Khaarajiyay Madaxdhaqameed Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Araweelo News Network

Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Koox hubeysan oo aan la aqoonsan, ayaa maanta ku dilay degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho Oday dhaqameed nabadoon ah oo magaciisu ahaa Xuseen Jimcaale Geedi kadib markii kooxdu ku weerrartay gurigiisa oo ku yaala degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Ilaa hada lama aqoonsan kooxda  fulisay dilka Marxuumka, Isla markaana lama oga sababta loo dilay, waxayna kooxda weerrarka fulisay ka baxsadeen goobta

Dilka ayaa kusoo beegmay, iyadoo sidan oo kale shalay galinkii dambe ay ahayd markii la dilay nabadoon la odhan  jiray macalin Daahir Cali Tiifoow, iyadoo ay koox hubaysan ku dishay degmada Wadajir ee isla magaalada Muqdisho.

Dhanka kale saaka askari ka tirsan dawladda hoose ayaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqaysta Mooto- bajaaj ku dilay degmada Xamarweyne sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Wiilka dhalinyarada ah iyo askariga ayaa is af dhaafay dabadeedna askariga ayaa rasaas ku riday wiilkii bajaajta watay halkaas ayuuna ku dhintay.

Dilalkan ayaa ku soo badanayay Muqdisho tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan waxana qaarkood sheeganayay kooxda Al-shabaab halka qaar kalena ay geysanayeen rag dareyska ciidamada dawladda ku lebisan oo aan la aqoonsan.

Al-shabaab, ayaa hore u balanqaaday in ay khaarajinayaan Odayaal dhaqameedkii soo xulay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay in badan oo ka mid ah khaarajiyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post