X
    Categories: Warar

Dhuusamareeb: Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Oo Si Lama Filaan Ah Uga Biirtay Shirka Iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Oo La Canbaareeyay

Dhuusamareeb(ANN)-Haweenayda Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahin (Xaliimo Yarey) oo dhowaan sheegtay in aannay suurta gal ahayn in la qabto doorasho, isla markaana loo baahanyahay muddo kordhin, ayaa si lama filaan u tagtay shirka Magaalada Dhuusamareeb ee lagaga hadlayo dib udhaca doorashada Soomaaliya.

Marwo Xaliimo Yarey oo maanta gaadhay magaalada Dhuusamareeb, ayaa la filayaa in ay ka qaybgasho wejiga labaad ee shirka, iyadoo hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay shirkaa kasoo saareen dhawr qodob oo lagaga hadlayo arrimaha doorashadda, iyagoo caddeeyay in aannay xilligan macquul ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod (One Person One Vote),

Sidoo kale, waxay qodobada ay soo saareen ku sheegeen in Madaxda dawladda Federaalka ay kasoo qaybgalaan shirkaa si looga tashado arrimaha xiisadu ka taagantahay ee dib u dhaca doorashadda, waxaana 14 July 2020, magaalada Dhusuamareeb ee xarunta Galmudug gaadhay ra’iisal Wasaare Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdale Cawed, balse guddoomiyaha Baarlamaanka ee gollaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in aannu guddoomiye ku xigeenku ku metelin shirkaa golaha ee shaqsiyadiisa uu ku tegey.

AKHRI: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aanka Shirka Dhuusamareeb Ee Maamul Gobolleedyada

Guddoomiye, Musral, ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya ee lagaga hadlayay arrimaha doorashada ee xiisadu ka taagantahay, wuxuuna si cad u sheegay in wixii shuruuc ah ee doorasho lagu qaban lahaa ay awooddeeda iska leeyihiin Baarlamaanka, balse aannay lahayn dowlad gobolleedyadu. Sidaa awgeed aannay aqbalayn aannay sharci ahayn waxa ay soo saaran maamul gobolleedyadu.

AKHRI: Maxaa Kasoo Baxay Shirkii Madaxda Maamul Gobolleedyada Soomaaliya?

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in ay suurtagal tahay in Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka qaybgalo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, iyadoo uu xilligan ku suganyahay Ra’iisal Wasaare Khayre.

AKHRI: Ajandaha Qarsoon Ee Shirka Maamul Goboleedyada Soomaaliya, Dhawaaqyada Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisal Wasaare Khayre Ee Dhaliyay Dooddaha

Shirka magaalada Dhuusamareeb oo uu martigeliyay Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), waxa ka qaybgalay hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, walaw uu Siciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland dhanka Garoowe kusoo laabtay maalintii doraad si uu uga qaybgalo Aaska Marxuum Xasan Abshir Faarax (Ina Abshir Haamaan), oo mar ahaa dawladdii Carta Ra;iisal wasaare, isla markaana xilal kale kasoo qabtay dawladdii hore ee Jamhuuriyadii Dumuqraadiga ee Soomaaliya, isagoo marxuumku  ku dhintay dalka Turkiga todobaadkan.

Halkan Ka Akhriso; Awooddaha iyo Waajibaadka Xafiiska Qaramada Midoobay Iyo Ujeedada Loo Aasaasay

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post