X
    Categories: Warar

Dhinacyada Ku Loolamaya Xisbiga KULMIYE Oo Madaxtooyadda Somaliland Kulan Albaabada Loo Xidhay Ku Yeeshay

Hargeysa(ANN)Dhinacyada khilaafka xisbiga KULMIYE, ayaa kulan Albaabada loo xidhay ku yeeshay caawa qarsiga Madaxtooyadda Somaliland.
kulankaa oo aan wax war oo rasmi ah kasoo bixin, isla markaana ujeedadiisu tahay isku day la doonayo in xal loogu helo khilaafka ka aloosan xisbiga ee u dhexeeya qaar ka mid ah hoggaanka Xisbiga iyo xulufada Wasiiradda iska casilay xukuumadda iyo dhinaca kale ee guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad Maxamed Kaahin hoggaaninayaan.
lama oggga inuu jiro wax natiijo ah iyo is afgarad laga gaadhay arrimaha laysku khilaafsanyahay, balse warar shebekadda Araweelo News Network heshay, ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay dhinacyada, isla markaana doonayo inuu sameeyo isku day la doonayo in heshiis lagu noqdo hawsha shirweynaha Xisbiga ee loo asteeyay 10 Nov 2015, balse kulankaa ayaan weli war rasmi ah kasoo bixin, iyadoo la saadaalinayo in ay adagtahay in labada dhinac isu soo dhowaadaan, maadaama ay marba marka ka danbaysa sii kala fogaanayaan, isla markaana warbaahinta isu marinayaan weedho abuuraya inay sii kala durkaan.

sidoo kale xubnaha Wasiiradda ee iska casilay Xukuumadda, waxay tallaabada ay qaadeen sii murgisay in xal loo helo muranka iyo kala qaybsanaanta xisbiga ee labada dhinac.
wixii kasoo kordha kulankaa kala soco Araweelo News Network

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post