X
    Categories: Warar

Dhinacyada Dagaalka Dagaalka Yemen Oo Gabagebo Ku Dhow Iyo Rajada Laga Muujiyay

Representatives of the Houthi delegation (L) and the Saudi-backed former Yemeni government (R) pose for a picture with representatives from the office of the UN Special Envoy for Yemen and the International Red Cross Committee (ICRC) during the ongoing UN-led peace talks on Yemen held at Johannesberg Castle in Rimbo, north of Stockholm, Sweden, December 11, 2018. (Photo by AFP)

Sweden Stockholm(ANN)-Dhinacyadadagaalka Yemen ee ku wadahadlaya dalka Sweden, ayaa la filayaa inay Khamiista maanta soo gebagebeeyaan, iyadoo laga muujiyay rajo.

Sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaasha Qaramada Midoobay ee labada dhinac isu jiidaya, kuwaas oo sheegay inay rajeynayaan in horrumar laga sameeyo arrimo dhowr ah oo dhinacyada u dhexeeya.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres, ayaa ka qaybgelaya wadahadalada maanta ee magaalada Stockholm si uu labada dhinac ugu dhiiri geliyo inay mawaaqiftii hore ee ay kala taagnaayeen kasoo debcaan.

Dawladda Yemen ee dibbad wareega ah oo Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee lala xidhiidhiyo inay Iran taageerto, ayaa durbaba ku heshiiyey inay marka hore maxaabiista dagaalka is weydaarsadaan.

 Dhinaca kale warar kale oo shirkalaga helayo, ayaa sheegaya in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin inay ku heshiiyaan in la furo gegida dayuuradaha ee magaalada Sanca, isla markaana la bilaabo dhoofinta saliidda iyo gaaska si dalkaasi uu u helo lacagaha caddaanka ee uu aadka ugu baahan yahay, iyadoo dhinaca Xuutiyiinta mid ka mid ah dalabyadooda ugu waaweyn ay ka mid tahay furitaanka madaarka magaalada Sanca oo xidhnaa tan iyo markii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu duqeeyeen dulaankii March 2015, kaas madaarka lagu burburiyay.

Dagaalka Sucuudigu hoggaaminayo ee Yemen, ayaa sidoo kale waxa uu dhaliyay  khasaare culus oo sababay dhimashada kudhowaad  56,000, oo qof, waxaana mudadii dagaalku socday xulufada Sucuudigu duqaymo la beegsadeen dhismayaasha muhiimka ah ee dalka, sida burburinta Cisbitaallada, Dugsiyada iyo wersheddaha, iyadoo aan duqaynta xulufada Sucuudiga loo miidaan deyin.

Qaramada Midoobay,  ayaa hore u sheegtay in 22.2 Milyan ooYemeniyiin ah ay u baahanyihiin cunto, kuwaas oo ay ku jiraan 8.4 milyan oolagu cabsi qabo gaajo iyo macaluul baahsan. Sida laga soo xigtay hay’addaha caalamiga ah, iyadoo 11 % ka mid ah dadka Yemen ay ka qaxeen guryohooda, Yemenayaa la tacaaleysa macaluushii ugu xumeyd muddo ka badan 100 sannadood. Kadib markiilaga xidhay Badda, Cirka iyo Beriga markii uu dagaalku bilaabmay saddex sannadood ka hor.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post