X
    Categories: Warar

Dhimashada Iyo Kiisaska Cusub Ee Xannuunka Coronavirus Laga Helay Oo Korodhay Somaliland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Hargeysa 17 May 2020, Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay kordheen kiisaska cusub ee xannuunka Coronavirus, isla markaana ay sidoo kale korodhay dhimashada 48-saacadood ee u danbeeyay.

Sidaana waxa maanta warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo barxada hore ee dhismaha Wasaaradda kula hadlay weriyayaasha.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ka hadlayey xannuunka Covid-19, wuxuu warbixintiisa ku sheegay in 19 qof oo cusub ay kusoo kordheen kiisaskii hore, halka ay u geeriyodoeen xannuunkaa laba qof, sideed iyo afartankii saacadood ee u dambeeyey.

Agaasimaha guud ee caafimaadku waxa uu sheegay in dadkaas xannuunka laga helay ay ku kala sugan yihiin gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal, oo saddex iyo Toban qof laga helay gobolka Maroodi-jeex, halka gobolka Awdalna laga helay xannuunkan lix qof, wuxuuna intaa ku daray inay dadkaas da’adoodu u dhaxayso toban jir ilaa todobaatan jir.

Sidoo kale, Dr. Xergeeye, ayaa tilmaamay in 19 qof, ay kala yihiin kow iyo toban rag ah iyo sideed dumar ah, halka lix qof oo dadkaas ka mid ahi ay yihiin dadkii karantiinka ku jiray ee ka yimid dalka Djibouti, wuxuuna xaqiijiyey inay tirada guud ee uu xannuunka COVID-19, uu ku dhacay Somaliland ay dhan tahay 87 qof, halka ay geeriyoodeen 8 qof, isagoo dadka ka bogsadayna ku sheegay 8 qof, tan iyo markii xannuunka lagu arkay geyiga Somaliland.

Guud ahaan dadka laga baadhay xannuunka COVID-19, ayaa gaadhaya 586 qof, wuxuuna xusay in hawsha baadhistu sideedii u socoto, isla markaana ay wadaan baadhitaanka dadka xadduuda kasoo gudbaya oo ay ku baadhayaan hawl-wadeenada wasaaradda caafimaadku sida uu xusay agaasimaha guud ee caafimaadku Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku, wuxuu sheegay in dadka karantiinka ku jiraa ay dhan yihiin todobaatan qof, halka dadka leh xirfadda caafimaadka ee isu diiwaangaliyey inay si mutadawacnimo ah ugu adeegaan bulshadoodana ay gaadhayaan 795 qof, kuwaas oo leh xirfadaha kala duwan ee caafimmadka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post