London(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ugu baaqday beesha caalamka in si degdeg ah loogu gurmado in ka badan hal milyan iyo badh ka mid ah dadkeeda reer Miyiga ah oo halis ugu jira geeri abaarta daran ee ka taagan dalka awgeed.
Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur oo waraysi uu la yeeshay telefishanka caalamiga ah ee ITV News, waxay sheegtay in macaluul iyo gaajo ay dhimanayaan dadka abaartu saamaysay kadib markii ay ka dhammaadeen xoolihii noolaa ee ay dhaqanayeen, waxaanay ku baaqay gurmad degdeg ah lala gaadho muwaadiniinta Somaliland ee abaartu haleeshay.
“Waa in aan la sugin inta dadku dhimanayaan, waa xilli dambe oo laga gaabiyey, laakiin maalin kasta iyo saacad kastaaba way socotaa, arrintani way jirtay ilaa bishii November ee sannadkii hore, iminka waxaynu ku jirnaa bisha March, waana afar bilood hadda,” ayey tidhi Ayaan Cashuur oo qiiro la ilmaynaysay markay la hadlaysay telefishanka, waxaanay iyadoo hadalkeeda sii wadata intaa raacisay, “Dadka ayaa hadda bilaabmaya inay dhintaan, kadibmarkii xoolihii ka dhammaadeen.”
Marwo Ayaan waxay sheegtay in dawladda iyo shacabka reer Somaliland ay sameeyeen gurmad wixii awoodooda ah si ay cunto iyo biyo u gaadhsiiyaan dadka abaartu waxyeelaysay, kuwaas oo asal ahaan u dhashay adkaysi, balse macaluusha cunto iyo biyo la’aanta ahi ka xoog badatay, waxaanay tidhi “Waxaannu rajaynaynaa in aannu badbaadno. Soomaalidu waa dad adkaysi badan, laakiin tani way xoog wayn tahay awoodooda.”
Baaqa Marwo Ayaan ayaa ku soo beegmay xilli Qaramada Midoobay ku dhawaaqday in adduunku waajahayo khatar bani’aadanimo tii ugu darnayd tan iyo sannadkii 1945-kii kadib abaar daran oo ka taagan dalal Geeska Afrika mid ah oo aan roob helin saddex sanno oo xidhiidh ah.
Telefishanka ITV ayaa toddobaadkan baahiyey warbixin naxdin badan oo uu abaarta Somaliland ka diyaariyey suxufiga caalamiga ah ee Raage Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.