X
    Categories: Warar

Dhawaaqyada Naxdinta Leh Iyo Dad u Geeriyooday Abaarta Xun ee ka Jirta Galbeedka Somaliland

Badhasaabka Gobolka Awdal oo baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray dhibaatooyinka abaaraha oo sababay dhimashada shan qof labadii maalmood ee u dambeeyey.

Araweelo News Network

Awdal(ANN)qaylo-dhaan ayaa kasoo yeedhay galbeedka Somaliland’ ugu yaraan shan qof oo isugu jira dumar iyo carruur, ayaa u geeriyooday saamaynta qallafsan ee ka dhalatay abaaraha xun ee ku habsaday degaannada Gobolka Awdal ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa u sheegay Jamhuuriya xalay in dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen ku geeriyoodeen degaannada Xaliimaale iyo Qulu-jeed ee Gobolka Awdal labadii maalmood ee la soo dhaafay, isagoo caddeeyey inay jirto xaalad halis ah oo sababi karta in dad kaloo u badan u dhintaan abaaraha haddii aan gurmad degdeg ah lala gaadhin.
“Illaa hadda shan qof ayaannu haynaa oo u geeriyooday abaarta jirta degaannada u dhexeeya Qulu-jeed iyo Xaliimaale. Dadkan waxa ka dhammaaday xoolihii, abaartuna waa mid aad u baahday oo Gobolka Awdal, Gabiley iyo woqooyiga Hargeysa-ba dadkii waxay la socon kari waayeen waa gaajo iyo harraad,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax oo khadka telefoonka Jamhuuriya kula xidhiidhay xalay.
Waxa kaloo uu intaas ku daray, “Dadkaasi markii ay carruurtii soo qaadi kari waayeen ayey kala dhaqaaqeen oo intii soo gaadhi karaysay waxay yimaaddeen waddooyinka hareerahooda, inkastoo aannu gurmad badan u fidinnay oo ilaa hadda raashin u qaybinayno, haddana abaartu waxay saamaysay 99% dadkii reer-guuraaga ahaa, waanay dhaaftay waqtigii xoolaha laga hadlayey oo waxay gaadhay heer dadku dhintaan.”
Badhasaabka Gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in xaaladdu meel xun marayso hadda, loona baahan yahay in gurmad degdeg ah lala gaadho dadka qarka u saaran inay u dhintaan gaajo iyo harraad si loo badbaadiyo noloshooda, marka laga reebo wixii ka baxsan awoodda bani’aadamka ee ku xidhan qadarka Ilaahay (SWT) oo cidna noolayn kara, cidna dili kara.
Waxa kaloo Badhasaabku sheegay inay 10 gaadhi u direen fiidnimadii xalay degaannada shanta qof ku dhinteen si ay soo daad-gureeyaan dadka abaaruhu halakeeyeen ee qarka u saaran inay dhintaan, isagoo gobolkaas kaga dhawaaqay xaalad degdeg, baaq culusna u kala diray xukuumadda dhexe ee Somaliland, ganacasatada, hay’adaha caalamiga ah iyo dadweynaha dhaqaalaha haysta inay u gurmadaan walaalahooda u dhimana saamaynta ka dhalatay abaaraha muddada dheer haystay degaannada galbeedka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post