X

Dhawaaqa Dawladda Federaalka Ethiopia Ee Xabad Joojinta Iyo Dagaalyahanka Tigray Oo Tax-taxaashinaya Mekelle

Getachew Reda iyo Liya Kassa, image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Ilaa iyo inta cadowgeena oo dhan ka baxayaan Tigray, waan la dagaallami doonnaaLiya Kassa

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, ayaa ku dhawaaqday xabad joojin, kaddib markii ay dagaalyahanka Jabhada Tigray ee TPLF, duulaan ku qabsadeen Mekelle oo ah Caasimadda gobolka Woqooyiga kaddib ku dhawaad sideed bilood oo dagaal ay kula jireen ciidamadda Federaalka iyo kuwa dalka Eriteria ee ay jaarka yihiin oo taageero ka helayay malayshiyaadka Amxaarada.

 

Dagaalyahanka Ciidamada Tigray ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia, ayaa la wareegay gebi ahaan gobolka, iyagoo baacsaday kuwa dalka ay deriska yihiin ee Ereteria iyo gobolka Amxaarada Ethiopia, “waxay u dhaqaaqeen ciidankayagu si ay u baacsadaan ciidamada “cadowga” haddii loo baahdo, sidaa waxa wakaallada ee Reuters u sheegay Salaasadii, Getachew Reda oo ah afhayeen u hadlay TPLF.

Wuxuu sheegay in bartilmaameedka koowaad uu yahay in ay hoos u dhigaan awooddaha dagaal ee wuxuu ugu yeedhay cadawga,

“Caasimada Tigray, Mekelle, anaga ayaa gacanta ku hayna, haddii ay Amxaarada ay tahay waxay qaadaneyso, waan samayn doonnaa, haddii ay  Eritrea tahay waxay qaadaneyso, waan sameyn doonnaa, ” ayuu yidhi, Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray,  wuxuuna sidaa ugu sheegay khadka taleefanka dayax gacmeedka galabnimadii Salaasada wakaallada wararka ee Reuters.

Isniintii ayaa la arkayay Taliyayaashii hore ee Tigray oo dib ugu laabtay magaalada Mekelle, waxayna dowladda Ethiopia durbadiiba ku dhawaaqday xabad joojin.

caasimada gobolka ee Mekelle markii ay u gacan gashay dagaalyahanka TPLF,  kaddib dagaalo lagu hoobtay oo ay ka dhasheen masiibooyin bini’aadanimo oo ay sababeen dagaalada ka dhacay halkaa tan iyo November  2020, balse xilligan ay dib u qabsadeen jabhada Tigray gobolka, waxay dawladda Ethiopia ee meesha laga saaray si lama filaan ah ugu dhawaaqday durbadiiba xabad joojin hal dhinac ah.

 

Dadkii deganaa magaalada Mekelle ayaa laga soo weriyay inay arkeen ciidamo fallaago ah oo magaalada jooga markii ugu horreysay tan iyo markii ay ka saareen ciidammada dowladda Federaalka Ethiopia November 2020, waxaana warbaahinta muuqaalka ee layska arko lagu baahiyay dhowr muuqaal oo lagu sharraxay soo laabashada TPLF, iyadoo ay dadku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin in dagaalyahanka Jabhada xoraynta Tigray ee TPLF, dib u qabsadaan gobolka.

 

Dagaalada ka socday halkaa ayaa sababay dhibaatooyin aadaminimo iyo xasuuq ay dheerayd macaluul, waxayna sababeen ugu yaraan in ay ku dhintaan kumanaan dad ah, halka in ka badan 2 milyan ay ku barakaceen, boqolaal kunna ay waajaheen macluul.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inay ku dhawaaqeyso xabad joojin kadib codsi uga yimid maamul goboleedka ku meelgaarka ah ee Tigray, kaas oo Adis ababa magacaabay kaddib markii ay ka saareen xoogaggii TPLF.

 

“Baaqan xabad joojinta ah ee hal dhinac ah wuxuu bilaabanayaa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 28 Jun 2021,  wuxuuna sii joogi doonaa illaa xilliga beeraha ay dhammaanayso,” ayay dowladda federaalka ku tiri hadal ay soo saartay xilli dambe oo Isniintii ah.

Xilliga dhirta ugu badan ee Ethiopia, waxay socotaa bilaha May ilaa September, ayay raacisay.

Hase yeeshee, Liya Kassa, oo ah afhayeen kale oo katirsan kooxda TPLF, ayaa ku sheegtay in ay sii wadayaan dagaalka, iyadoo tidhi, “Ilaa iyo inta cadowgeena oo dhan ka baxayaan Tigray, waan la dagaallami doonnaa”

Liya Kassa, waxay sidaa ku sheegtay,  hadal maqal ah oo la soo dhigay galinkii dambe ee Isniinta barteeda Facebook ee xisbiga Tigray Media House oo ah xisbiga taabacsan kooxda.

Dhinaca kale, Xukuumadda Federaalka Ethiopia ayaan xaqiijin jiritaanka wararka sheegaya xabad joojinta ee soo baxay markii ay Isniintii qabsadeen TPLF, gobolka, isla markaana lagu arkay magaalada  Caasimadda Tigray ee Mekelle.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post