Araweelo News Network
Burco (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee haya talada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in lacagta dadku ku cunaan qaadka sannad kasta ay labanlaab ka badan tahay miisaaniyadda Qaranka Somaliland ee sannadka 2017.
Odoroska miisaaniyad-sannadeedka qaranka Somaliland ku shaqayn doono sannadka soo socda ee 2017, haddii Ilaahay yidhaah, isla markaana hadda hortaala Golaha Wakiillada, waxa ay dhan tahay $362,517,393 (saddex boqol, laba iyo lixdan milyan, shan boqol toddoba iyo toban kun iyo saddex boqol saddex iyo sagaashan doollar).
Hasa yeeshee, sida Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi caddeeyey dhaqaalaha qaadka lagu cuno sannad kasta uu dhan yahay $600,000,000 (lix boqol oo milyan oo dollar), waxaannu xaddigaas lacageed ku soo labanlaabmayaa miisaaniyadda Qaranka ee weliba sannadkan oo ah kii ay ugu sarraysay intii Somaliland jirtay.
Sidaana waxa uu Guddoomiye Muuse Biixi ka sheegay kulan abaaraha lagaga hadlayey isaga iyo xubno wefti wehelinaya oo ku sugan Gobolka Togdheer kaga qaybgaleen magaalada Burco, kaas oo uu Guddiga Abaaraha gobolkaasi ku wareejiyey taakulo xisbiga KULMIYE ugu talogalay gurmadka abaarta oo dhan $40,000 (afartan kun oo dollar).
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu shacabka ugu baaqay inay wadajir iyo naf-hur loo galo gurmadka dadka ku dhibaataysan saamaynta abaarta, waxaannu dadka ku dhaqan magaalooyinka u soo jeediyey hoos u dhigaan dhaqaalaha kaga baxa faakihaysiga oo ay u beddelaan gurmad lagu badbaadiyo nafaha dadka reer miyiga ah ee xoolihii ay manaafacaadsanayeen kaga baxayaan abaarta adag ee taagan.
“Dadka magaalooyinka joogaa way badan yihiin, Burco haddii aynu qiyaasno dadka maalintii joogaa waxan qabaa kharash badan oo aan qofna culays ku ahayn oo aynu wax ku badbaadino ayeynu helaynaa, Hargeysa-na way ka sii dad badan tahay, magaalooyinka kalena sidaas oo kale, tusaale ahaan sannadkii ina dhaafay Somaliland marka aynu nahay waxaynu qaad ku cunay lacag dhan $600,000,000 (lix boqol oo milyan oo dollar), intaasina waa inta cashuurta martay ee la hubo, in badan oo kalena waa suurtogal inaanay cashuurta marin, intaasi abaaraha way innaga saari lahayd, haddii aynu caqli keeno oo ragga qaadkaas cunayaa ay saddex meeloodow meel yareeyaan oo lacagtaasna aynu u duno inaynu dadkeena ku gargaarno baryo badanba umaynaan baahaneen,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxaannu intaas ku daray; “Sidoo kale, haddii aynu magaalada nahayn faakihaysi iyo kharashaad kale oo badan oo intaas dheer baa jira qofka magaalada joogaana waa inuu dareemaa faakihaysiga maanta oo kale inuu yareeyo oo la dhimo oo loo duwo xagga gurmadka, meelo badanna dadka waynu ku caawin karnaa oo ilaahay xoolo waa ina siiyey oo tujaar badan baynu leenahay oo qof waliba intiisa waa ku taajir, inanka dhallinyarada ahina wuu xarragoodaa oo maalin walba kharashka uu nadaafadiisa geliyo ayaa biyo gaadhi lahaa.”
“Waxaynu u baahannay in aynu dhammaanteen isku tashanno oo aynu yeelano naf-qaybsi, shacab, ganacsato, dawlad iyo qof-qofba, abaarahaas maanta dadkeena reer-guuraaga ah dhibaatada ku haya haddii aynu reer-magaalka nahay in badan baynu ka qaban karnaa, haddii aynu reer-magaalka nahayna cidda aynu ku noolahay ee wax inoo tacabtaa waa reer-miyiga, Xoolaha nool iyo Beeraha ayaa inoo dhaqaale ah oo labadaba miyigaa tabca, magaaladuna waa caydh isku soo ururtay oo ku nool Miyiga, markaa haddii Miyigii jabo oo xoolihii dhintaan oo beerihii baaba’aan oo dadkii xoogga ahaa ee inoo tabcayey baaba’aan innaguna waxaynu noqonaynaa xero weyn oo caydh ah oo isku soo ururtay, dadka magaalada joogaa waa inay sidaas u fahmaan,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maayarka degmada Burco iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda iyo maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa kormeeray cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo lagu dawanayo dad ka mid ah reer Miyiga abaarta daran ee ka jirta gobollada bari oo saamayn xaalado caafimaad-darro kala duwan ay ku yeelatay.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu indho-indheeyey bukaanka saamaynta abaarta loo dhigay cusbitaalka Burco oo u badan dumar iyo carruur nafaqo-darro ku dhacday iyo daryeelka lagu tacaalayo ee ay heleen, waxaannu weftigu warbixinno ka dhegaystay maamulka guud ee cusbitaalka iyo dhakhaatiirta ka hawlgasha ee gacanta ku haysa la-tacaalidda bukaankan.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu deeqay Cusbitaalka Guud ee Burco 50 neef oo adhi ah si loogu qalo dadka xannuunsanaya ee cusbitaalka jiifa, taas oo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee KULMIYE Md. Xasan Cabdillaahi Axmed oo ka wakiil ahaa murrashaxa xisbiga uu taakuladaas xoolaha ah ku wareejiyey maamulka cusbitaalka Burco.
Xaaladda abaareed ee ka jira gobollada bari ee Somaliland, ayaa saamayn xooggan ku yeelatay dadka iyo xoolaha nool, iyadoo in badan oo xoolihii la dhaqanayey dhinteen, halka dadkuna ku sugan yihiin xaalad adag waqtigan.