X
    Categories: Warar

Dhanbaalkii Uu Madaxweyne Donald Trump U Diray Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un

Araweelo News Network

US President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong-un

Washington(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ka baxay balantii dhankiisa ahayd ee kulan madaxeedkii qorshaysnaa oo la filayey inuu bisha dambe la yeesho hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un.

Warqad uu u diray Kim ayuu Trump ku sheegay in aanay haboonayn inuu kulankaa la yeesho, waxaanu ku sababeeyey waxa uu ku tilmaamay cadhada xoogga leh iyo colaadda muuqata ee uu hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ku muujiyey hadalladii dhawaan ka soo soo baxay.

Waxa kale oo uu sheegay in ay suurto gal tahay in kulankoodaasi qabsoomin laakiin waxa uu uga digay Pyongyan waxa uu ku sheegay falalka “doqoniimada” ah.

Go’aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay dumisay goobtii ay ku tijaabin jirtay niyuukliyeerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin heshiis oo dhabbaha u xaadhaysay shirmadaxeedkaa  la baajiyey ee ka dhici lahaa Singapore.

Warqaddii uu Trump u diray Kim Jong-Un ayaa u qornayd sidan:-

“Mudane gudoomiye:

Waxaan si xishmad leh kaaga mahadcelinaynaa waqtigaaga, dulqaadkaaga iyo dadaalkaaga ku aaddan wadahalladii dhawaan la xidhiidhay shirka waqtiga dheer ay laba dhinac wada sugayeen, kaas oo la qorsheeyay in uu ka dhaco dalka Singapore 12 June. Waxaa naloo sheegay in kulanka ay codsatay Kuuriyada Waqooyi, balse arrintaasi hadda muhiim maaha. Waxa aan aad u rabay in aan kula kulmay. Nasiibdarrase, cadhada badan iyo hanjabaadaha ka muuqday bayaankii aad dhawaan soo saartay, waxa aan dareemay in kulankaas muddada dheer la qorsheynayay uu yahay mid aan xilligan ku haboonayn. Sidaas darteed warqaddan waxa ay cadayn u tahay in shirkaasi aanu ka dhici doonin Singapore, taas oo ah mid labada dhinacba u wanaagsan, walow dunidu ay dhibsan doonto. Waxaad ka hadashay awoodda nukliyeerkaaga, balse keenna ayaa aad uga ballaadhan ugana awood badan, marka waxaan Ilaahay  ka baryayaa inaanay waligood la isticmaalin.

Waxaan moodayay inaan labadeenna yeelan doono kulan cajiib ah, muhiimaduna waxa ay aheyd wadahadalkaas uun. Waxa aan rajeynayaa in maalin uun aan ku kulmi doono, hasayeeshee waxaan kaaga mahad celinayaa inaad sii daysay lahaystayaashii kuwaas oo si nabad ah qoysaskooda ula jooga. Taasi waxa ay ahayd tallaabo aad u wanaagsan, aad ayaanan kaaga mahadcelinayaa.

Haddii uu isbadel ku yimaado fikirkaaga ku aaddan kulankan muhiimka ah, fadlan haka laba-labayn in aad ila soo hadasho ama aad warqad ii soo qorto. Dunida, khaasatan Kuuriyada Waqooyi, waxa ay wadajir u lumiyeen fursad aad qaali u ah, taasi oo horseedi laheyd nabad iyo barwaaqo waarta. Fursadaan luntay waa mid meel xun ka galaysa taariikhda.”

Mahadsanid

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post