X

Dhacdooyinkii Dalka Maraykanka Ruxay Wiil Muslin Ah Oo Soo Jiitay Xadhig Iyo Maamus Ka Yaabiyay Dunida Waqti Yar


Washington(ANN)Madaxweyne Obama ayaa ku casuumay aqalka cad ee Maraykanka Wiil yar oo magaciisu yahay Axmed Maxamed oo warbaahinta aduunka iyo siyaasiyiinta Maraykanka soo jiitay. kadib markii Madaxweyne Obama fariin u diray inuu soo booqdo Aqalka Cad.

Obama ayaa u direy fariin wiilkan isagoo ku yidhi:”Saacad wanaagsan,Axmed waa inaad keentaa Aqalka Cad.Waxaan ku dhiirigelin doonaa arday badan sida adigoo kale inay jeclaadaan sayniska, waana tan dalka Maraykanka uu ku noqday dal weyn. Hase yeeshee Saacada uu Axmed sameeyay ayaa weli waxa ay gacanta ugu jirtaa ciidamada Booliska. Waxana uu sheegay inuu jecel yahay in saacadiisa dib loogu soo celiyo.
Wuxuuna sheegay in Wiilka Yar uu ku dhiirigeliyay dadaalkiisa iyo aalada uu dinida ku soo kordhiyay. Wiilkan yar ayaa maskaxdiisa waxaa uu ka yaabiyay dadka Maraykanka, wuuxuna noqday mid laga tilmaamo bulshada, iyadoo malaayiin dad ah u soo hambalyeeyeen. sidoo kale waxa lasoo xidhiidhay kamid ah maalqabeenka caanka ah oo uu ka mid yahay Hantiilaha Facebook CEO Mark Zuckerberg, haweeneyda u sharaxan madaxtinimada Maraykanka ee Hillary Clinton and Khuburada xarunta NASA, waxana wiilkan uu aad ugu farxay markii uu maqlay in MIT oo ah Machad-yada ugu caansan uu ka mid yahay hay’adaha u soo hambalyeeyay .

Wiilka yar oo Muslim ah, isla markana magaciisu Axmed Maxamed, waxa dadiisa lagu sheegay 14 jir, wuxuuna muddo todobaad ka yar ku noqday qof dalka Maraykanka iyo dunida kaleba caan ka noqday kadib markii macalimad u dirtay shaqo guri saacad uu iqtiraacayay ka shakiday, isla mrkana waqti kooban la xidhay.
kadib markii uu Isniintii lasoo dhaafay geeyay iskuulkii uu wax ka baranayay saacad uu isagu ku soo sameeyay gurigiisa si u soo bandhigo cashar loo dhigay balse qorshihiisii ayaa si kale isu bedelay. ‘Markii aan macalimada tusay,waxa ay noqotay mid xoogaa naxday, waxa ay aragtay waa saacad balse waxa ay iska dhaadhicisay in waxa la keenay uu yahay Bam.Axmed ayaa la katiinadeeyay waxaana la geeyay saldhig Booliska isagoo markii la wadayay ku qeyliyay war waxaan keenay waa saacad ee maaha Bambaano ama wax kale.
Hase yeeshee Axmed waa la sii daayay markii ay waalidkii tageen saldhiga waxana weli ku adkeysanaya in dugsiga iyo ciidamaduba ay qumanaayeen duqa magaalada Irving Beth Van Duyne. Axmed ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu dugsiga uu ka bedesho una bedesho iskuulada kale eek u yaal dalka Maraykanka.

‘Waxaan leeyahay waa noocii Ardayga aan dooneynay,hal abuure kaligii wax ikhtiraaca waxaa tahay qofka noqon lahaa saynisyahan dunida wax u soo kordhiya , sidaana waxa yidhi, saynisyahan caan ah oo lagu magacaabo Prescod-Weinstein. Saynisyahankan ayaa ku martiqaaday Axmed inoo soo booqdo Kayli Institute fo Astrophusics and Space Research.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post