Araweelo News Network
Qaahira(ANN)Dhacdo fadeexad ku noqotay garsoorka daka Masar, kadib markii Maxkamad ku taal dalkaa,ku riday xukun wiil yar oo afar sanno jir ah, kaasoo ay ku xukuntay xukun madaxaa ha ku furto ah (xabsi daa’in), kadib markii lagu eedeeyay inuu Afar dil geystay xilli da’diisu ahayd sannad iyo badh.
Wiilka yar oo magaciisu yahay Axmed Mansour Karni ayaa isagoo maxkamadda ka maqan lagu helay inuu geystay Afar dil, siddeed kiis oo isku day dil ah, burburin hanti, waxyeelo amni iyo inuu u hanjabay nin boolis ah, balse dhab ahaantii wax dambi ah ma gelin ilmahaas yar, waxaanna xukunka loogu riday sifo khalad ah.
Wiilkan yar ayaa ka mid ahaa liis 115 qof oo dhammaantood xabsi daayin ay ku xukuntay maxkamadda millatariga Qaahira, kadib markii la sheegay in lagu helay dambiyo ay ku kaceen 3 January 2014 oo laga geystay gobolka Fayoumm oo 70 km Koonfurta kaga beegan magaalada Qaahira.
Afar jirkan, ayaa magaciisa si khalad ah loo raaciyey liiska maxkamadda la hor geeyey, iyadoo garsoorkuna diiday inay kiiska wiilkaa yar aqbasho, sida ay sheegeen qareennada u doodayey ilmaha yar.
Faysal Al-Sayd oo ka mid ah qareennada wiilkan yar u doodayey, ayaa sheegay inuu Maxkamadda hor keenay shahaadada dhalashadiisa, balse aanay gaadhin garsoorka kiiska gacanta ku hayey.
“Wiilka yar ee Axmed Mansour Karni shahaadadiisa dhalashada ayaa la soo bandhigay, kadib markii ciidammada ammaanku ku dareen magaciisa liiska dad eedaysanayaal ah, balse kiiska waxa loo gudbiyey maxkamadda millateriga, ilmaha yarna isagoo maqan baa xukunka lagu riday,” ayuu Faysal u sheegay wargeyska Jerusalem Post.
Dhacdadan ayaa muujisay in garsooraha kiiska la horgeeyey aanu si fiican u akhriyin kiiska, waxaannu qareen kaloo u dhashay dalka Masar, oo magaciisu yahay Mohammed Abu Hirira uu tilmaamay in kiiskan dibadda u soo saaray heerka caddaalad-xumada ka jirta waddanka Masar oo uu xusay in aan wax caddaalad ah ka jirin.
“Macquulnimadii ayaa mar hore dhimatay. Masar way waalatay. Masar waxa xukumaya dad aan miyir qabin,” ayuu yidhi garyaqaan Mohammed.