“Dahabshiil Group wuxuu u taagan yahay inuu mar walba u soo kordhiyo macmiishiisa iyo dadweynahaba adeegyada ganacsi ee ugu casrisan, iyadoo aynu ognahay in shirkadda SOMTEL dhawaan xadhigga ka jartay adeegga casriga ah Internetka ee loo yaqaan 4G, kaas oo aynu ka wada dheregsanahay in dawlado kooban oo Afrika iyo adduunka kaleba ahi ka isticmaalaan, laakiin innagu aynu nasiib u yeelanay maanta,” ayuu yidhi Maareeye Cabdiraxmaan Cali Cabdi.
Maamulaha xaruntan ganacsi ee Dahabshiil Xasan Cismaan Ismaaciil, ayaa isna tafaasiil ka bixiyey qaybaha uu ka kooban yahay suuqan iyo dhismahan ka kooban toddoba dabaq oo sare iyo mid dhulka hoostiisa ah oo leh saddex wiish oo elektaroonig loo kala raaco, isagoo faahfaahinaya dhismaha waxa uu yidhi, “Xarunta ganacsiga ee Dahabshiil Bussines Center waxay koobtay dhammaan adeegyada iyo baahiyaha qof bini’aadam ahi u baahan yahay sida dukaanno tiradoodu sagaal tahay oo ah gancacsiga wax walba hu’, hoy iyo cunaba, xarumo caafimaad, xafiisyo kuwa socdaalka ah, huteelka uu seexashada iyo qaybta cuntada ee DAMAL ilaa bangiga lacagta ee Dahabshiil oo ku yaal dabaqa koowaad iyo qaybta hore ee ka labaad ee dhismaha. Runtii labaatan nooc oo kala duwan oo laga helayo dhammaan waxa qof u baahan yahay oo uu dheer yahay masaajid dhammaystiran oo mar qudha ay ku tukan karaan ilaa 200 qof.”
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo hadalo ka jeediyay munaasibadda, ayaa soo dhaweeyey muhiimada iyo faa’iidada suuqan ganacsi ee Dahabshiil oo ay ku tilmaameen mid dhiirigelinaya maalgashiga iyo hal-abuurka ganacsi iyo weliba shaqo-abuurka dalka, waxaanay si gaar ah deeqsinimo iyo muwaadinimo ugu ammaaneen mulkiilaha Dahabshiil Xaaji Maxamed Siciid Ducaale.
Ku-simaha Maayarka Hargeysa, ahna Maayar-ku-xigeenka Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagawayne), ayaa ku ammaanay shirkadda Dahabshiil Group mashaariicda horumarineed, gaar ahaan dhismayaasha ay ka hirgelisay caasimadda dalka oo uu xusay inay qurux iyo bilicba waynba ku kordhiyeen magaalada, kana qaybqaadato hawlaha addeegyada bulshada sida ololihii ugu dambeeyey ee qashin-ururinta oo ay ku dartay gaadiid, qalab iyo shaqaaleba, sidoo kalena muddo dheer dab-damiska shirkaddu uu ahaa ka keliya ee u gurmada goobaha gubta, isla markaana dhismahan suuqa ganacsiga ee Dahabshiil uu ugu jiro buugga waxyaabaha taariikhda ee dawladda hoose.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo xadhigga ka jaray suuqa ganacsiga ee Dahabshiil, waxa uu ku bogaadiyey mulkiilaha shirkadda Dahabshiil horumarka uu geliyey dalkiisa oo uu aaminay inuu ka shaqaysto, kadibna dib ugu celiyey hantidiisii, isla markaana waxa uu tusaale wanaagsan ku macneeyey dhismahan, waxaannu yidhi, “Gurigani waxa uu muujinayaa in ummadda reer Somaliland ay aamineen dalkooda oo ay muuqato inuu yahay waddan ay dhisayaan ummaddii u dhalatay, waxa uu tusaale u yahay in Somaliland tahay dal kalsooni abuuri kara oo dadka ajanebiga ah ee inoo yimaadaa markay indhaha ku dhuftaan guryahan oo kale rumaysanaya in aynu nahay ummad u socota inay ka mid noqdaan caalamka oo soo dhawayn kara waxyaabaha aynu raadinayno kuwa ugu qaalisan uu ka mid yahay ictiraafku. Waxa kaloo ku bogaadinayaa ganacsatada Somaliland inay ku dhiiridaan inay maalgashadaan dalkooda, waxaynu u baahanahay si dalkeennu isugu filnaado ganacsatadu inay maalgashato beeraha, wax-soo-saarka Kalluunka iyo macdanta sida maantaba dhismayaasha ay u maalgeliyaan, taasi oo keeni doonta in dhaqaalaheenna kor u qaado oo aynu isku filnaano.”ayuu yidhi Warancade.
Guddoomiyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Maxamed Siciid Ducaale oo soo xidhay munaasibada xafladda, ayaa mahadnaq ballaadhan u jeediyey guud ahaan masuuliyiinta iyo martidii kala duwanayd ee goob-joogga ka ahayd madasha iyo cid kastoo ka qaybqaadatay hirgelinta dhismahaa.
“Dhismahani maaha mid Hargeysa uun ku eeg, laakiin dhulalka Soomaalidu degto oo dhan waa qaar aannu ka samaynay iyo wax aannu ka samayn doono sida dalalka jaarka ee Jabuuti ka mid tahay oo dhisme kan le’eg aannu ka wadno, maadaama shirkaddu tahay mid ballaadhan oo dhul badan ka hawlgasha,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Xaaji Maxamed Siciid Ducaale.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.