X
    Categories: Warar

Degmada Xudun Roobab Khasaare Naf Iyo Maal Geystay

roobabka

Laascaanood(ANN)-Hal qof, ayaa ku nafwaayay mid kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaadhay, kadib markii roobab dabaylo wata oo ka da’ay degmada Xudun ee xarunta gobolka Sool sababeen khasaare naf iyo maal ah.

 Roobabkan oo shalay galabti ka da,ay dagmada xudun ee gobolka Sool, waxa  ku nafwayey marxuun Axmed Maxamed Daarood oo 25 jir ahaa,  halka uu dhaawacyo kasoo gaadheen Cabdullaahi Cawil Hufe oo 40 jir ah, ka dib markii uu ku soo dumay guri ay ku jireen.

Wakaaladda Wararka Qaranka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegtay in Maayarka dagmada Xudun Faarax Cali Ibraahin oo ka hadlayey khasaaraha roobabkaasi gaysteen sheegay ilaa labatan guri oo isagu jira sandaqado iyo dhismayaal dhagax ah, ayaa roobabkaasi dumiyeen, isla markaana dadkii guryahaasi ku jiray ay hoy la’aan yihiin,  iyadoo lagu jiro xili roobadka Guga.

Maayarka Xudun, ayaa intaa ku daray in hay’addaha gargaarku ay gurmad deg-deg ah la soo gaadhan dadkaasi ku barakacay roobabka guga ee xiligan ka curtay geyiga Somaliland iyo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post