X
    Categories: Warar

Deegaanka Soomaalida Ethipia Ee Xarshin Oo Lagu Caleema-saaray Ugaas Cusub

Xarshin(ANN)- Ugaas Maxamed Cumar Cabdi, ayaa ka mid noqday Madaxdhaqameedka cusub ee kusoo kordhay Isimada Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, munaasibada lagu caleema-saaray Ugaaska Cusub, ayaa ka dhacday saaray Deegaanka Calaydh oo ka tirsan Degmada Xarshin ee Gobolka Jig-jiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Ugaas Maxamed Cumar Cabdi

Ugaaskan oo ay dooratay  Beesha Yaasuf Isaaq (Sacad Muuse) ayaa munaasibada lagu caleemo-saaray, waxa ka qaybgalay marti-sharaf isugu jirta Madaxdhaqameedyo ka kala yimi Deegaamada Soomaalidu degto, siyaasiyiin, waxgarad, aqoonyahan iyo Dadweynaha Ardaaga uu ka soo jeedo Ugaasku.

Guddoomiyaha Degmada Xarshin, Xubno kamida cuqaasha iyo Odayaasha Deegaanka uu ka soo jeedo Ugaaska cusub oo ugu horayn Xafladaasi hadallo ka jeediyey ayaa madasha caleemo-saarka ku soo dhaweeyey marti-sharafta ka soo qaybgashay, waxaanay alle uga baryeen Ugaas in uu ku asturo mansabka dhaqan ee lagu caano-shubay.


Madaxdhaqameedyada ka qaybgalay munaasibada oo uu kamid yahay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal, ayaa khudbado ay halkaasi ka jeediyeen waxay dhamaantood ugu duceeyeen in uu alle xilka u fududdeeyo Isinka la caleemo saaray, iyaguna ay la shaqayn doonaan, waxaanay u soo jeediyeen in uu ku shaqeeyo Cadaalad iyo hufnaan dhaqan.

Isimada ayaa sidoo kale ka waramay kaalinta uu hogaanka dhaqanku ku leeyahay nabad-gelyada, midnimada iyo horumarinta bulshada iyo doorka uu Soomaalida u leeyahay, waxaanay Ugaaska cusub kula taliyeen in uu raaco toobiyaha soo jireenka ah ee uu dhaqanku leeyahay, iyagoo geesta kalena Beeshiisa ku adkeeyey inay la shaqeeyaan, isla markaana u dhamaystiraan waxyaabaha uu uga baahan yahay si uu shaqadiisa u guto.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi, Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan Qaalib, Suldaan Naasir Suldaan Cabdiraxmaan Ismaaciil, Suldaan Maxamed Aw Cali Jaban iyo Hogaamiye-dhaqameedyo kale oo tiro badan oo ka kala yimi Somaliland iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo  halkaasi ka hadlay, ayaa si mug leh u soo dhaweeyey Ugaaska cusub, una jeediyey tallooyin la xidhiidha masuuliyada dhaqan ee uu qabtay, iyagoo ku adkeeyey in uu yeesho gacan furan, guddoon adag iyo go’aan garsoor ah.

Ugaaska guud ee Beelaha Absame iyo Madaxdhaqameedyo kale oo kamida Isimada Beelaha Dega Gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa xafladaasi iyaguna ku soo dhaweeyey Ugaaska cusub, waxaanay dhankooda sheegeen inay si niyad samiya oo waafaqsan hannaanka Dhaqanka ula shaqeyn doonaan Ugaaska.

Guud ahaanba madaxdhaqameedyada ayaa kula dardaarmay Beesha Ugaaska dooratay inay adeecaan, howshana ku garab joogaan oo aanay ka hagran xoog iyo xoollo wixii uga baahdo.

Ugaas Maxamed Cumar Cabdi oo markii lagu caano-shubay kaddib, gabagabadii Xaflada hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad-naqay marti-sharafta ka soo qaybgashay munaasibada, waxaanu balanqaaday in uu masuuliyada dusha loo saaray uga soo bixi doono sida loogu dhiibay, isla markaana uu ku shaqayn doono tallooyinka iyo tusaaleyaasha looga soo jeediyey halkaasi.

Ugaaska ayaa kamid noqon doona Hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee beelaha Dega Gobolka Soomaalida Itoobiya oo tan iyo markii Isbedelka maamul ka dhacay soo kordhayaan abaabulka ay Bulshadu kula jaan-qaadayso nidaamka cusub ee ka curtay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post