X
    Categories: Warar

Deegaanka Gobolka Sanaag Ayax Ku Habsaday Iyo Dadka Oo La Tacaalaya

Ceergaabo(ANN)-Deegaanka Gobolka Sanaag, ayaa laga soo sheegayaa qaylo-dhaan la xidhiidha Ayax ku habsaday meelo ka mid ah, waxaana wararku sheegayaan in meelaha Ayaxu ku degey ay u badan yihiin dhulka dooxooyinka iyo Beeralayda.

Cabdiraxmaan Cali Madoobe (Cabdi Badhaf) oo ah Aqoonyahan arrimaha Deegaanka iyo Beeraha aqoon durugsan u leh oo ku sugan Ceergaabo, isla markaana dadka deeganka ku dhiiri-geliya inay dhulka wax kala soo baxaan oo ay beertaan, ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network in Ayax guuraya uu ku habsaday deegaamo ka mdi ah gobolka, gaar ahaan dhulka dooxooyinka  iyo Beeraha ah ee duleedka Bari ee Magaalada Ceergaabo.

Ayaxa oo qariyay dhulka iyo dhirta deegaamada duleedka Ceergaabo ee Gudmo-Afaaf, Good iyo Dayaxa 1 July 2019. Araweelo News Network.

Wuxuu sheegay in deegaamada  dhinaca galbeed  kaga beegan Ceergaabo  qiyaastii 25 Km ee Beeralayda ah oo ay ka mid yihin, Gudmo-Afaaf, Good, Dayaxa  iyo meelaha u dhow uu ku habsaday maanta Ayaxa oo sida uu sheegay dhinaca galbeed kaga yimi, balse, wuxuu sheegay in markii ay dadku u adeegsadeen Qaylo, Sawaxan, Sanqadh iyo Qiiq sidii dhaqanka ahaan jirtay marja sidan oo kale ay arkaan Ayaxa uu dhinaca Woqooyi Bari ee dabayshu u socoto u duulay.

“Dadku waxay u adeegsadeen Ayaxa waxyaabihii qarniyadii hore intaan dadka la barin waxaanay lahayn iyo Diyaarado lagu buufiyo, waxaana loo adeegsaday Qaylo, Sawaxan, Sanqadh iyo Qiiq, kadibna wuxuu u jihaystay  dhinaca Woqooyi Bari ee dabayshu u socoto iyo Boosaaso ilaa Laasqoray,” waana suurta gal inuu dooxooyinka dhanka bariga Ceergaabo duleedkeeda dhinaca Bari ka ku dego, haddii aanay dadku sida aanu ula tacaalay aanay isaga kicin” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cali Madoobe (Cabdi-badhaf) oo shebekada Araweelo kula xidhiidhay xadka Telefoonka, isagoo ku sugan deegaanka Good iyo Gudmo Afaaf ee Bariga Magaalada Ceeraabo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post