Ceergaabo(ANN)-Deegaanka Gobolka Sanaag, ayaa laga soo sheegayaa qaylo-dhaan la xidhiidha Ayax ku habsaday meelo ka mid ah, waxaana wararku sheegayaan in meelaha Ayaxu ku degey ay u badan yihiin dhulka dooxooyinka iyo Beeralayda.
Cabdiraxmaan Cali Madoobe (Cabdi Badhaf) oo ah Aqoonyahan arrimaha Deegaanka iyo Beeraha aqoon durugsan u leh oo ku sugan Ceergaabo, isla markaana dadka deeganka ku dhiiri-geliya inay dhulka wax kala soo baxaan oo ay beertaan, ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network in Ayax guuraya uu ku habsaday deegaamo ka mdi ah gobolka, gaar ahaan dhulka dooxooyinka iyo Beeraha ah ee duleedka Bari ee Magaalada Ceergaabo.
Wuxuu sheegay in deegaamada dhinaca galbeed kaga beegan Ceergaabo qiyaastii 25 Km ee Beeralayda ah oo ay ka mid yihin, Gudmo-Afaaf, Good, Dayaxa iyo meelaha u dhow uu ku habsaday maanta Ayaxa oo sida uu sheegay dhinaca galbeed kaga yimi, balse, wuxuu sheegay in markii ay dadku u adeegsadeen Qaylo, Sawaxan, Sanqadh iyo Qiiq sidii dhaqanka ahaan jirtay marja sidan oo kale ay arkaan Ayaxa uu dhinaca Woqooyi Bari ee dabayshu u socoto u duulay.
“Dadku waxay u adeegsadeen Ayaxa waxyaabihii qarniyadii hore intaan dadka la barin waxaanay lahayn iyo Diyaarado lagu buufiyo, waxaana loo adeegsaday Qaylo, Sawaxan, Sanqadh iyo Qiiq, kadibna wuxuu u jihaystay dhinaca Woqooyi Bari ee dabayshu u socoto iyo Boosaaso ilaa Laasqoray,” waana suurta gal inuu dooxooyinka dhanka bariga Ceergaabo duleedkeeda dhinaca Bari ka ku dego, haddii aanay dadku sida aanu ula tacaalay aanay isaga kicin” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cali Madoobe (Cabdi-badhaf) oo shebekada Araweelo kula xidhiidhay xadka Telefoonka, isagoo ku sugan deegaanka Good iyo Gudmo Afaaf ee Bariga Magaalada Ceeraabo.