X
    Categories: Warar

“Dawladnimo Kama Imanayso Dusha Halkan (Somaliland) Waxa Carruurta Loogu Dhigayaa Hilibka Doofaarka waa La Cunaa” Wasiirka Waxbarashadda

Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa daboolka ka qaaday inay ku jiraan dadaal xooggan oo ku saabsan qorshe albaabada loogu xidhayo jaamacadaha tayadoodu liidato ee ka hawlgala dalka.
Wasiir Habbane oo hadal ka jeediyey kulan khuseeya maamul-daadejinta waxbarashada dalka oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee magaalada Burco shalay, waxa uu sheegay in jaamacaduhu noqon doonaan goobo lagu qaato waxbarasho tayo leh amma dukaamo ganacsi oo albaabada loo xidho.
“Anigu waxa aan ahay wasiirka waxbarashada oo xogogaal ayaan ahay. Waxa jira arday shahaado cad sita oo ku odhanaya waxaan soo bartay maamulka iyo maaraynta, haddana aan qori karin warqad yar oo arji ah, beenna idiinma sheegayo ee waxay arrintaasi tilmaamaysaa heerka tayada ee jaamacadaha kala duwan ee ka jira dalkeenna. Dagaal baa hadda na dhex socda haddii aannu nahay Wasaaradda Waxbarashada iyo jaamacadaha oo amma jaamacado ayey noqon amma dukaamo aan iska xidhno ayey noqon doonaan, illeyn dukaan uma baahnine,” ayuu yidhi Cabdillaahi-dheere.

Araweelo News Network

Somaliland Office

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post