X
    Categories: Warar

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay In Ay Fashilisay Weerrar Loo Adeegsaday Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn

Araweelo News Network

Yemen Drone

Riyadh(ANN)-Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegaya in ay fashiliyeen weerar la doonayay in lagu fuliyo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ku duulaysay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee ku taalla Koonfurta dalka Sucuudiga.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso saacado kooban kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ee dalka Yaman ay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen garoonkaasi, waxayna sheegeen in diyaaradaasi carqaladeysay duulimaadyo dhawr ah oo ku waajahnaa garoonkaa.

Isbahaysigan uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa beeniyay in hawlaha garoonkaasi ay istaageen balse xog laga helay qeybta diyaaradaha laga hago ayaa sheegeysa in muddo kooban duulimaadyada dib loo dhigay.

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay aad u kordhiyay tirada sawaariikhda ay ku ridayaan gudaha Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa ku adkeysanaysa in dowladda Iiraan oo taageerto Xuutiyiinta Yaman ay tahay in ay qaadato mas’uuliyadda weeraradaa, balse Iran ayaa dhankeeda sheegta in aanay waxba ka jirin eedahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post