X
    Categories: Warar

Dawladda Soomaaliya Oo Tirakoobaysa Ajaanibka ku Sugan Gudaha Dalkeeda

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN) –Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibka ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalkeeda si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.

Go’aankaan lagu ritakoobayo ajaanibka ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir-gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii lagaga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakoobka ajaanibka ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidayaa in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda.

Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dawladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa’iido dhaqaale.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xishiidhka Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post