X
    Categories: Warar

Dawladda Somaliland oo Aqoonsi Caalami ah ka Rajaynaysa Ingiiriska Marka ay ka Baxaan Midowga Yurub

Araweelo News Network

London (ANN)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa rajaynaysa inay aqoonsi caalami ah ka hesho dawladda Ingiriiska kadib ka bixitaanka Midowga Yurub ee ay hore uga tirsanayd oo caqabad ku ahaa go’aan ka gaadhista qaddiyadda madaxbannaanideeda.
Sida lagu baahiyey wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, Wasiirka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ka bixintaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub uu muhiimad wayn u leeyahay madaxbannaanida dalkiisa oo hela aqoonsiga uu caalamka ka raadinayey muddo shan iyo labaatan sanno ah.
“Waxaan u malaynayaa in ka bixintaanka Midowga Yurub (Brexit) uu u fududaynayo dawladda Ingiriiska inay maskaxdeedu dib-u-eegis samayso. Ka-mid ahaanshaha Midowga Yurub waa in dhammaan xubnaha ku jiraa ay u hoggaansamaan siyaasadda Midowga Yurub ee ku wajahan Somaliland, markaa Ingiriisku xorriyad uma uu haysan inuu beddelo fikirkiisii hore. Inaad ka baxdo Midowga Yurub macnaheedu waxa weeye inay samayn karaan waxay doonayaan.
Sidaa darteed, waxaan u malaynayaa inay noo wanaagsan tahay annaga, waxay awood u leeyihiin (Britain) siyaasaddooda arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo u warramay wargeyska The Guardian.
Waxa kaloo wargeysku warbixintiisa ku sheegay in rajada Somaliland ka qabto dawladda Ingiriiska ay ku soo hagaagtay waqti xukuumadda Hargeysa heshiis maalgashi la gashay shirkadda DP World in ay muddo 30 sannadood ah maamusho dekedda Berbera, kaas oo uu ku tilmaamay inuu tallaabo muhiimad wayn oo dhaqaale u leh guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
The Guardian waxa uu ku macneeyey heshiiska dekedda Berbera ee DP World galinayso $442 milyan inuu yahay albaab u furmay ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kale. Waxa kaloo wargeysku si gaar ah u xusay in dalka Itoobiya oo aan bad lahayn, balse kobaca dhaqaalihiisu xawli ku socdo uu si wayn uga faa’iidaysanayo maalgalinta lagu casriyeynayo dekedda Somaliland.
Dhinaca kale, wargeysku waxa uu soo bandhigay jawaab dawladda Ingiriisku ka bixisay rajada Somaliland ka qabto inay aqoonsi ka hesho kadib markay si buuxda uga baxdo EU-da.
Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo arrintan ka jawaabay ayaa yidhi; “Waxay u taal Soomaaliya iyo Somaliland inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda iyo dalalka jaarka ee gobolku inay qaataan hoggaaminta aqoonsi hab kastoo cusub (dal).”
Ugu dambayn, The Guardian waxa uu ku soo ururiyey warbixintiisa in dawladda Ingiriiska oo hore u martigalisay wadahadallo xidhiidh ah oo Somaliland iyo Soomaaliya kaga arrinsanayeen xidhiidhkooda ay ka warwareegayso inay ku dhaqaaqdo aqoonsiga Somaliland ka dalbanayso.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post