X

“Dawladda Somaliland Iyo Dadka Laaascaanood waxaan Leenahay Dhiig Daata Khayr Kuma Imanayo, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Arrinta Sool

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Image Araweelo News Network, 7 Jan 2023

#Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacbiga Magaalada Laascaanood in aan loo baahnayn dhiig daata, isagoo jeediyay in xiisadda Laascaanood looga baahanyahay dawladda Somaliland inay xaliso.

 

Laxidhiidha:

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Oo Gaadhay Laascaanood

“Somaliland waxaan ugu baaqayaa Dadka Sool in lala hadlo, Qoriguna Xal maaha, ayuu yidhi, isagoo Dadka Laascaanood-na usoo jeediyay in aannay xabad iyo dhiig daata xal noqonayn, oo aan kahayr ku jirin, sidaa awgeed dhinaca wada hadalka xalka laga raadiyo.

“Dhibaato Al-shabaab ayaa nagaga filan, dawladda Somaliland iyo dadka Laascaanood waxaan leenahay in lays dilo 32 sannadood kaddib maaha nabada iyo taladana kusoo istaaga oo cunfiga iyo nacaybka iyo hadalada warbaahinta la marinayo hala joojiyo.” Ayuu yidhi.

“Dawladda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in qorigu aannu xal ahayn ee dadkii dadka la hadli lahaa oo weliba hadalkooda ay dhegaysanayaan hal loo soo diro, “Callool waxay ku Bukooto laguma Daweeyo.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkaa ka jeediyay munaasibad uu sidoo kale kaga hadlay dhibaatada dhanka amniga ee haysta dawladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in aannay marnaba jeclayn dagaal iyo dhibaato, isla markaana ay ka damqanayaan meel walba oo dhibaato kasoo baxdo, sidaa awgeed wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku celceliyay in arrinta Laascaanood xalkeeda looga baahanyahay dawladda Somaliland.

Muuqaalkan Ka Daawo Madaxweynaha Soomaaliya. https://www.facebook.com/Araweelonews/videos

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv   @araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network. info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post