X
    Categories: Warar

Dawladda Qatar Oo Maalgelin Ku Sameynay Dekaddaha Soomaaliya Maalmo Kadib Markii Ethiopia Sheegtay In Ay Maalgelinay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)–Wefdi ka socda dawladda Qatar,ayaa  maanta booqasho ku tegey Muqdisho, kuwaas oo la kulmay  Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wefdiga Dalka Qadar, ayaa Ra’iisal wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre kala hadlay sidii loo horumarin lahaa dekeddaha Soomaaliya.

Wasiirka dekeddaha iyo gaadiidka Badda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac oo kulanka  Wefdiga Qadar ka qeyb gashay,  ayaa sheegtay  in ujeedada wefdiga Qadar ay ahayd in daraasad iyo kormeer ay ku sameeyaan dekadda magaalada muqdisho iyo dekeddaha kale ee Soomaaliya si loo ogaado dekeddaha dayactirka u baahan iyo dekeddaha Dhismaha cusub lagu sameynayo.

 

Sida uu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka u qaabilsan Ra’iisal Wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network Wasiir Maryan ayaa sheegtay in booqashada wefdiga Qatar ee  Muqdisho ay fursad wanaagsan oo dhinaca shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ah u tahay ummadda Soomaaliyeed, loona baahanyahay in laga faa’iideeysto.

Booqashada wefdiga Qatar ka socda ay ku tageen Muqdisho ayaa ka dambaysay booqashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi la socday ay ku tageen magaalada Dooxa dhowaan, iyadoo dawladda Qadar dawladda Federaalka u balanqaaday in ay Soomaaliya ka fulinayso Mashaariic lagu horumarinayo dekeddaha Soomaaliya .

Dhinaca kale wefdiga  ka socda dawladda Qatar ayaa mudada ay joogaan Soomaaliya waxay booqashooyin ku tagi doonaan maamul goboleedyada Soomaaliya  si ay qiimayn ugu sameeyaan Dekeddaha Soomaaliya.

Dekedda magaalada muqdisho, ayaa hore loogu wareejiyay shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga, taas oo gacanta ku haysa dekedda iyo madaarka, waxayna arrintan kusoo beegantay maalmo kadib markii Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegey Magaalada Muqdisho sheegay in Afar dekedood oo ku yaal Soomaaliya ay maalgashi ku samayn doonaan.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post